Xasan Ciise Jaamac Oo Ka Hadlay Qabsoomida Doorashada, Kuna Taliyay In Loo Diyaar Garoobo Qorshaha La Qaadanayo Haddii Ay Qabsoomi Weydo

0
471

Picture8Hargeysa (Geeska)-Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, oo ahaa madaxweyne xigeenkii u horeeyay ee Somaliland islamarkaana ahaa guddoomiyaha urur siyaasadeedkii Xaqsoor ee ka qayb galay tartankii doorashada goleyaasha deegaanka, ayaa shalay khudbad ka jeediyay kulan ay wada jir u qabteen labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID iyo madasha wada tashiga oo uu ka tirsanyahay siyaasiyiinta ku bahoobay, halkaas oo ay ku cadeeyeen mawqifkooda haddii ay doorashadu qabsoomi weydo 26 June 2015.

Xasan Ciise Jaamac, wuxuu sheegay in haddii ay doorashadu qabsoomi weydo 26 June 2015 ay xukuumadu noqon doonto mid bilaa cudur daar ah.

Wuxuu Xasan Ciise Jaamac, hadalkiisa ku bilaabay  “Qoladayadan Madasha iyo Labada Xisbi Mucaarad, waxa aan ku tahniyadaynayaa war murtiyeedka ay soo saareen, ee halkan laga akhriyey War murtiyeed qaaliya weeye, War muritiyeedka nuruxkiisu sida aad u fahanteen waxa weeye, in la xoojiyo midnimada, wada tashiga iyo Nabadgelyada Somaliland, oo haddii ALLE yidhaahdo aynu Umaddeena ka baajino wax khilaaf ah iyo wax ammaan daro ah oo ka iman kara Xukuumad xilkeedii gabtay”.

Xasan Ciise wuxuu sheegay in marka la eego arrimaha siyaasadu uu toddobaadku yahay wakhti  dheer, waxaanu isagoo ka hadlaya shantii sano ee ay xukuumadu joogtay iyo haddii ay doorashadu qabsoomi weydo uu yidhi  “Xukuumadeenani Shan Sanno ayey wakhti u haysatay inay qaban qaabiso Doorashooyin xor iyo xalaal ah. Berigii aanu Ingiriiska waxbarahada u tagnay ayaa ninkii raysalswasaaraha ka ahaa wuxuu hal hays u lahaa toddobaadku waa wakhti dheer xagga siyaasada,  xukuumaddeenu waxa ay tidhi Shan Sanno nagumay filanayn in Doorasho aanu qaban qaabinaa, imisa Todobaad ayaa ku jira Shantii Sanno wax la yaab leh weeye, arin la rumaysan  karo maaha, ujeedo kale ayaa meesha ku jirta. Doorashadu haddii ay ku dhici weydo 26-june sida aynu rajaynayno haddii ALLE yidhaahdo, inay Xukuumaddu noqon doonto Xukuumad bilaa cudur daar ah, waxaan markaas Umadda ku gubaabinaya Todobaadyo badan ayaa inaga xiga 26-june inaynu u diyaar garoowno wixii aynu yeeli lahayn oo aanu wakhtigaasi ina soo gelin inagoo bilaa qorshe ah,  wakhti fiican ayeynu haysana si nabadgeliyo ah, oo midaysan, oo wada tashi heer Qaran ah, aynu ugu  diyaar garawno waxa aynu yeeli lahayn, waxa inoo furan waxyaabo far badan oo suurtagal ah, inta aynu soo koobno, oo aynu kala doorano, ayeynu dooran doonaa ka ay ku jirto midnadeenu iyo sharafteenu, haddii ALLE yidhaah”. Wuxuu si adag uga hadlay tacadiga iyo dhibaatada ay xukuumadu ku hayso saxaafadda madaxabanaan, waxaanu yidhi  “Waxa aan eray ka odhan doonoa arin Xukuumaddan iyo kuwii ka horeeyey cadaysteen oo aad iyo aad u fool xun, oo umaddana sharaf dhac ku ah, arinkaas oo ah xadhigan iyo tacadigan, iyo hanjaabada iyo dhibaatooyinka lagula kaco Saxaafadda, arintaas waa arin aad iyo aad u fool xun, sababta oo ah Umaddaha iyagoo wax badan wadaagan, xagga Siyaasada ka  wadaagan, ayaa haddana Umad kastaa waxa ay leedahay, Birmagaydo, waxa ay leedahay waxyaabo  aan la taaban, meelo xasaasiya ay ka tahay ayey leedahay, waxa aan Xukuumaddan xasuusinaya, oo aan Xukuumaddihii horena odhan jiray, oo aan xasuusin jiray, marka Ninka Somaliga ah, gaar ahaan Somaliland marka la yidhaahdo ma hadli kartid, midkiinbaa dhimanaye diyaar garoow, Siyaad Bare waxa loo sheeganayey, waxa aynu kula dalgaanay ma hadli kartid car juuq dheh, car juuq dheh ayaa Siyaad Bare galaaftay, Saxaafaddii xorta ahayd ee dadka wax u sheegaysay, ee dhaliisha Dawladda sheegaysay, ee xaqa u lahayd inay sheegto, marka la yidhaahdo ma hadli kartaan ee jariirada la xidho,  u diyaar garoowa inaad Umadda kala dhimateen idinkuna aydaan ka dambayn doonin”.