“Naftaydu Waxay Leedahay Waxaan Diyaar U Ahay In Doorashadii La Qabto 26-Ka June”

0
544

Picture6Hargeysa(Geeska)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Golaha wakiilada, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa farriimo waanooyin iyo wax sheegmo ah u kala diray Naftiisa, Golaha uu maamulo,Madaxweyne Siilaanyo, Mucaaradka iyo madasha, Bulshada Somaliland iyo Beesha Caalamka.

Gudoomiyaha oo shalay  ka hadlayay Madal Mucaaradka iyo Madasha watashiga Somaliland ku soo bandhigeen Mawqifkooda doorashada ayaa yidhi “ Naftayda waxaan leeyahay waxaa laguu doortay Mudane ka tirsan golaha wakiilada September 2005-tii. Muddo xileedku wuxuu kaa dhamaaday September 2010-kii. Naftaydu waxay ku jawaabay inay arrintaas u diyaar tahay oo aanay rabin Muddo korodhsi dambe. Naftaydu waxay leedahay waxaan diyaar u ahay in doorashadii la qabto 26-ka June, haddii la qaban waayana golaha hala kala diro. Erayna waxaan leeyahay Madaxweynaha,waxaan jecelahay inaan Madaxweynaha u mahadnaqno, markasta wuxuu ku celiyaa inuu doorashada diyaar u yahay wakhtigeediina la qabanayo.Waxaan xasuusinayaa madaxweynaha doorashadii Madaxtooyada iyo tii wakiiladuba inay tahay 26-ka June, waxay Shacbigu kaa sugayaan inaad ku dhawaaqdo maalinta doorashada. Waxaan Shacbiga Somaliland-na u sheegayaa malaha ma Ogee inay leeyihiin Awooda ugu badan ee dalka, waxaan u sheegayaa inaynu nabada wada ilaalino, waxaanan leeyahay ha isku eegina Isbahaysiga Mucaaradka iyo Xukumadda ee ka qaranka badbaadinaya taageera. Beesha Caalamka waxaan leeyahay innagoo dhamaanteen u mahadnaqayna inay gacan buuxda inala barbar istaagaan si loo sameeyo Diwaangalinta codbixiyeyaasha.” Ayuu yidhi Gudoomiye Cirro. Gudoomiyaha Wakiilada iyo Waddani, waxa uu sheegay in Mucaaradka iyo Madashu ay qaadaan jid dalka lagu badbaadinayo, isagoo Xukumadda ku eedeeyay inay bulshada Somaliland dhibaataysay oo ay qaranka wax ka wada tirsanayaan sida Bulshada Awdal, Sool, Saaxil iyo Hawd.