Weftigii Turkiga Oo Shalay Dalka Ku Soo Laabtay

0
477

Picture5Hargeysa(Geeska)-Weftigii Somaliland uga qayb galay wada hadalkii burburtay ee Somaliya ee ka dhacay Turkiga ayaa shalay lagu soo dhaweeyay madaarka Hargeysa.

Weftiga waxa soo dhaweeyay dadweyne tiro badan iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan. Waxa saxaafadda la hadlay wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo sheegay in dawlada xamar iyo dawlada Turkigaba  ay shuruud kaga dhigeen  inaanay shirkaasi fadhiisanayn Somaliland, haddii ay dhanka Somaliya  ku jiraan xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland  ayna gaadheen qaraar,  sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inaanay Somaliland mar danbe ka qeyb galayn wada hadalo lala yeesho dawlada Somaliya inta ay adeegsanayaan shakhsiyaad Somaliland u dhashay.

Weftiga ayaa waxa markii dambe ay tageen xarunta madaxtooyada oo si diiran loogu soo dhaweeyay.