“Mushaharka Madaxweynuhu Waa $ 36,000, Mishiinka Kelyuhuna Wuxuu U Fadhiyaa $ 45,000”

0
491

Picture4Hargeysa (Gees)-Mujaahid Maxamed Xaashi Climi oo ka mid ah Siyaasiiyinta Somaliland, kana tirsan Madasha wada tashiga Somaliland, horena u ahaan jiray Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumaddan,  ayaa ka hadlay Dhaqaalaha dalka, waxaanu tilmaamay in Dhaqaalaha dalka soo gala si farsamo xun loo maamulo,oo Dhaqaalo la’aani aanay dalka ka jirin balse ku tala gal aanu jirin, waxaanu tilmaamay in adeegyadii aasaasiga ahaa ee Arrimaha Bulshada ay meesha ka baxayso haddii Dhaqaale la waayo, waxaanu Tusaale u soo qaatay Mishiinada Keliyaha sifeeya, oo fadhiya, oo qiimihiisu yahay 45-kun oo doolar, halka uu sheegay in Mushaharka Madaxweynuhuna yahay bishii 36-kun oo doolar.

Maxamed Xaashi Cilmi oo ka hadlay kulan ay yeesheen Madasha iyo Xisbiyada  Mucaaradku ayaa sidoo kale sharci daro ku tilmaamay in Golaha Wakiiladu ay ku ansixiyaan Misaaniyada duduub, oo aan laga doonin, waxaanu sidoo kale ka hadlay qodobo ay ka mid yihiin dhibaatada Qabyaalada, faa’iidada Qaranka iyo muddo wakhtiga u hadhsan Xukuumaddan, waxaaanu isaga oo arimahaas ka hadlaya yidhi “Dalkeenu waa dal inagu filan, oo ahayd in aan lagu gaajoon, in aan laga tahriibin, in aan shaqo lagu waayin, dalkani waxa uu ahaa dadkiisa in aan qabiil lagu qeybin,sidii loo soo dagaalamay, ee loo soo xoreeyey, in dal isku duuban ahaado ayey ahayd, sidii Shirkii Burco loogu heshiiyey ee la isku saamaxay, ayey ahayd in la sii wado, xagga dhaqaalaha dalkani waxa uu leeyahay xoolo nool, waxa uu leeyahay dhul beereed, waxa uu leeyahay Bad, waxa uu leeyahay Macdan, waxa inagu filan oo fara badan ayuu dalkani leeyahay, in la bariyo, oo si fiican looga shaqeeyo,  oo shaqooyin loogu abuuro, oo dadkii shaqo helo ayey ahayd”

Maxamed Xaashi Cilmi ayaa mar uu ka hadlaayey dhibaatada Qabiilka  yidhi “Qabiil dal laguma maamuli karo,  oo wax laguma qeybin karo Qabiil, laakiin inay tartan galaan oo haddii cid shaqo la siinayo, oo shaqadaas Imtaxaano u galaan oo cidii ku soo baxda ay shaqadaas qaadato ayey ahayd, waxa ina haysta dhibaatooyin ayeynaa u baahnayn, waxa uu dhaqaaluhu ku kobcaa marka arimahiisa loo barsiyo, oo misaaniyada sidaas loogu kala qeybiyo, ayuu hore u socdaa, inaga ilaa intii ina soo martay, Madaxda soo socotana uga digayaa inayn dariiqan raacan, dariiqan oo ah in marka horeba Ninka Madaxweynaha ah inuu sharci ka sareeyo, oo waxa aad mooda in sharci aanu isaga qabanba, ta labaadna waxa ee Madaxweynuhu qaatay waxa weeye in wixii Dhaqaalel ah ee soo baxa inuu tasarufkeeda leeyahay, oo waxa uu qaato iyo waxa uu cid siiyo ka dhigo, waa labada arimood ee dalka la hadhay, ”

Mujaahid Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Qabiil iyo Qaran meel ma wada galaan, Qabiilku waa ceeb, waa qeybsanaan, waa tacadi, oo labadii Inan ee soo shaqo doontay ayey mid wax la doonaysa oo midna aanay waxba la doonaynin oo uu reer kale yahay.

Qaranimaduna waa Sharciga oo lagu dhaqmo oo dadku u siman yahay iwixii dalka ka soo baxa, inaynu u dhigno dariiqo dadku ku ceeshi karo, oo mudnaanta kowaad siino baahideena, oo aynu is weydiinaa,maxaynu soo dejisanaa,cunta oo dhan weynu soo dejisanaa, waxa weeyaan in lagu talo galaa oo la yidhaahdo Cuntada imisa sanno ayeynu wax beeranaa, oo aynu isku filnana, oo aynu kaga baxnaa waxan Dibada inoo imanaya, ilayn haddii ay Maraakiibtu habsaanto oo ay Burcad badeed, dhexda u gasho, gaajo ayey meesha inagu layne”.

Maxamed Xaashi Cilmi isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa lagama maarmaan ah inaynu Caafimadkeena sare u qaadno, oo dadka wax haysta dibada ayey u baxaan, kii aan waxba haysan, oo Dhakhtaradu u qoraan in aan halkan lagu dawayn karin, iska dhimo weeye, qofkaagana ka qaalisan lacagta, kolkaas haddii uu Dawlad u shaqayo iyo haddii aanu u shaqaynba, in haddii la yidhaahdo halkan laguguma daweyn karo, in wax loo qabto oo noloshiisa la badbaadiyo xaq ayuu u leeyahay, Dhakhtarada weynu soo kiraysan karnaa, Mushahar ayeynu siin karnaa,Mushahar badan ayeynu sii karnaa, Mushahar ay ku fadhiyi karaan ayeynu siin karnaa, wasaynu soo iibsan karnaa qalabkii ay ku shaqaynayeen, waxaas Dibada loo tagayo dalkeena ayeynu ka sameeysan karnaa marka aynu Caafimaadka ka hadlayno, xigmad darada dadka haysata waxa ka mid ah Mishiinadii Keliyaha wey fadhiyeen, Ninka ay Keliyuhu wax noqdaan ee Dibada tagi karaa, Fisihii uu ka dhacayaa, marka la yidhaahdo Dhiigi Saddex jeer ayaa laaga bedelayaa, ma xamili karo, ma joogi karayo, kii aan haysana waa iska dhimo, waxa ay u fadhiyeen waa 45-kun oo doolar oo qudha, Madaxweynaha Mushaharkiisu waxa uu ahaa 36-kun bishii,  markaas ayaa la odhanyaa wax la’aan ayaa jira, wax la’aani ma jirtee, farsamo xumo ayaa jirta,caqli xuma jirta, naxariis daro ayaa jirta”

Maxamed Xaashi ayaa mar uu ka hadlaayey Dhaqaalaha Kastamka ayaa  yidhi “Dhaqalaha aynu inagu isticmaala waxa uu u badan yahay ka Kastamka, Kastamka marka aynu saarno, Ninka taajirka ahina waxa uu saara Xoolaha uu iibnayo, dadkii masaakiinta ahaa ayuunbaa Sicirkii ku kacaa, Nin taajir ah oo Kastamka lacag ka bixiya oo Lacag laga qaada ma jiro, markii aan anigu meesha qabtay waxa la qaadi jiray boqolkiiba siddeed (8%), waxa hadhsanaa boqolkiiba laba iyo sagaashan (92%), Misaaniyadeenu ilaa Shan Boqol wey gaadhi lahayd, wey ka badan lahayd, dadkeenu ma lacag la’a, lacagta ayaan loo farsamayn, lacagtaas la guraynayo, oo dad badan oo aan shaqayn la siinayo,   kii shaqaynayna uu silic ku nool yahay, oo Ninkii Macalinka ahaa dhawr meelood u shaqo tagayo, kii shaqo ahaayeena uu dhawr meelood u shaqo tagayo si uu kaabo noloshiisa, wax aynaan u baahnayn weeye”

Maxamed Xaashi ayaa mar uu ka hadlaayey Misaaniyada yidhi “Waxa aad mashaqaan Misaaniyadii duduub ayaa lagu ansixiyey, duduubkaasi meel uu sharciga kaga jiro. ma jiro, waxa ay ka dhigan tahay waxa la soo qoro sidiisa lagu qaado, waxa ay doontaba ha ahaato, wax ay ahayd inay faaqdinaan,oo ay yidhaahdan halkee mudnaan leh,halkee aynu wax ku kordhinaa, halkee aynu wax ka dhignaa, oo shaqadoodii qabsadaan, xisaab xidhku waxa weeye, in sidii loo isticmaalay iyo in kale,  waa rasiidh oo kale,  hadda waa Barlamaankii la dhaariyey ee Kitaabka Gacanta saaray,  waxa ay yidhaahdeen duduub ayaanu ku ansixinay,  xisaabaheenu waa wax aynu inaga baabinayno, wax la”aan maaha, Dawlad curidina ee curdin mayeynaan ka baxayn Xaawa iyo Aadan ayaa ina dhalee”.

Mujaahid Maxamed Xaashi oo ka  hadlay Doorashada ayaa  yidhi “Waxa la yidhi 26-june, waxa la yidhi Dawladda iyo XIldhibaanada Golaha Wakiilada labadaba waa la kala dirayaa, dadku wax ay u qaadanayaan, in kolka la yidhaahdo Dawladdii waa la kala dirayaa inay Dawladii dhacayso, Wasiirkan aan xafiisba fadhisan ayaa la odhanayaa Agaasimaha ku wareeji oo Wasaarad walba nin ka aqoon roon oo ka khibrad badan, oo laga yaabo inuu ka fiican yahay, ayaa inoo qaban inta aynu ka magacaabayno dadkii xilkaas qaadi lahaa, kolkaas ayey inagu harawsanin   in wixii baabayaan,  ma baabayaan ee waa laga raysanayaa,oo waxa laga raysanayaa Wasiirkii la doon doonaayey, ee aan xafiiskiisa fadhisan jirin wax inaga xumaanayaa ma jiraane, ee Madaxda soo socotaa  dhaqaalaha iyo Sharciga inay iyagu leeyihiin yey u qaadanin”