Odayaal Ka Hadlay Tiyaatarka Hargeysa, Una Mahadceliyay Booliska

0
612

Picture1Hargeysa (Geeska) – Odayaal iyo wax garad ka soo jeeda beesha Abokor Muuse oo ka tirsan beelaha Ciidagale ayaa ka hadlay mawqifkooda ku wajahan dhacdadii Tiyaatarka Hargeysa ee toddobaadkan ay xukuumaddu Hawl-galka ku burburisay dhismihiisa.

Cuqaal, Madax dhaqameed iyo aqoon yahan kale oo ka soo jeeda Beeshaasi ayaa shir jaraa’id oo ay Magaalada Hargeysa ku qabteen waxa ay wax laga xumaado ku tilmaameen amarkii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ku gashay barxadda hore ee Tiyaatarka Hargeysa oo Digreeto Lagu soo siiyey nin madaxtooyada ku xidhan, isla markaana khasaaraha lagu gaadhsiiyey shaqaalihii meesha ka shaqaynayay oo qaarkood iyaga oo dhaawac qaba xabsiga loo taxaabay.

Dhismaha tiyaatarka Hargeysa oo Sifo sharci ah xukuumaddii Daahir Rayaale ku siisay ganacsade Cumar Caydiid isla markaana toban sanadood kadib ay waqti xaadirkan oo dhismihiisu xaal-xaal yahay uu qayb ka mid ah dhulkaas madaxweyne Siilaanyo digreeto kale ku soo siiyey Nin kale ayaa gadood ka dhashay 2dii bishan.

ciidagaleHaddaba Cuqaashan iyo waxgaradkan ayaa shirka jaraaid ee ay qabteen waxa ay kaga hadleen arrintan oo ay baaqna u direen Madaxweyne Siilaanyo. Ugu horeyn Caaqil Maxamed Weerar oo halkaas ka hadlay waxa uu yidhi “Aqalkaa Tiyaatarka ee ay dawladdu bixisay, tobankii sannadood ee u dembeeyeyba Ninka Muwaadinka ah ee Aqalka leh [ Ganacsade Cumar Caydiid] hadal baa daba socday. Wax ay soo socotaba Illaa waqtigaas ilaa immika bisha labadeedii ayaa isaga oo cid uu wax yeelay aanay jirin, wax sharci ah oo uu diidayna aanay jirin, nin meesha la lahaana aanu haba yaraatee jirin weerar dawladeed lagu soo qaaday ganacsadahaas iyo shirkadiisii iyo dhismihii aqalkaas oo socda. Weerarkaasna dad shaqaale ah oo shaqada waday ayaa dhinaca xabbad iyo dagaal lagaga qabtay, khasaarena loo gaystay dhismihii. Waxaanu leenahay annaga oo nabadgelyada ku mitidayna in tallaabadaasi ay tahay gar-darro caddaan ah oo aan na qabanin, sidaas darteedna waxaanu Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa ka sugaynaa in sida ugu dhakhsaha badan ay wax uga qabato, dadkii dhaawaca ahaa ee iyagoo aan rifeeto loo geyn la xidh-xidhayna xorriyadooda loo soo celiyo” sidaa ayuu yidhi Caaqil Maxamed Weerar oo ka mid ahaa xubnihii shir saxaafadeedka ka hadlay, waxaanu intaa kudaray “Waxa kale oo aanu halkan uga mahad naqaynaa beesha Habar Yoonis oo ee aanu Walaalaha nahay ee ka war haysa meeshani sida ay tahay iyo xaqiiqada cidda dhabta ah ee meesha iska lihi inay tahay Cumar Caydiid iyo sidii wanaagsanayd ee ay u hadleen ayaanu ugu mahad naqaynaa, waxa kale oo aan leenahay in aanu jirin qof reer Somaliland ah o qof kale wax ka haysan karaa, caqligeenuna ha dhaafo Caqli afrikaanka ah in qof xabbad wax lagaga qaado, laakiin sharci baa wax lagu xaliyaa ee sharciga ha loo soo noqdo.” Sidoo kale waxa madasha ka hadlay Oday Maxamed Diiriye (Xaaji Daarood) Oo ka mid ah Waayeel kii madasha fadhiyey, waxaanu ydihi “ annagu bilayska ayaanu u mahad naqaynaa mid sare iyo mid hoosaba, waxaanu leenahay Wixii Bilayska ka sarreeya annagu u mahad niqi mayno ee alla ha rido, waa kuwa dawlada haysta ee wax kala wada, waayo Wixii Bilaysku soo qabto waxa ay u geeyaan Kuwa ka sarreeya [Xukuumadda], laakiin iyagiina xukumi maayaan, inta dembiga lihi waa Madaxweynaha iyo wixii ka hoose ee bilaysku aanu ka mid ahayn, sidaas darted waxaanu leenahay Bilayska Caddibaad ha laga daayo haddii aan waxba lala qabanayn. Annagu waxaanu arki jirnay dawladda oo madaxdeedu nabada ka shaqayso, laakiin immika bilayska iyo shicibka ayaa nabada ka shaqeeya inta ka saraysaase waxba ka shaqayn mayso waayo Baloodh bay wada siinayaan laba qof, Xafiisyada iyo maxakamadaha ayaa ka mid ah oo wax laga murmayo maaha” sidaa ayuu yidhi Oday Xaaji Daarood, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya qadiyada Aqalka Tiyaatarka ee ujeedadu daarnayd, “aqalkan horeyso iyo dambaysaba madaxweynaha iyo dadka kaleba waa la ogaa, haddana nin kale ayaa la siinayaa, markaa sidee bay nabadu u dhacaysaa sidee baase arrinkaasi u eeg yahay waayo madaxweynuhu maan ogayn odhan mayo, immisa goor baanu u tagnay immisa goor buu ballan noo qaaday oo uu yidhi u kaadiya oo loo kaadiyey, waxaanu leenahay dawladdu tacab nabad gelyo ma wado ee nabadda ha eegto, laakiin nin qaradle ah iyo nin uu nin kale hoosta ka qandhiidhiyey yaanay eegin. Aniga gu’gaygu [da’dayda] Sagaashanka shan baa ii dheer [95 jir] oo boqol dawladdood baanu la soo dhaqanay, Ingiriisku haddii meel qalabadi ka jabto, yaa dembiga iyo [Prove] ka leh buu odhan jiray, ninkaas baa la qaban jiray, meeshanna [Tiyaatarka] nin baa ku soo duulay, cagaf buu geliyey oo wuu burburiyey , kii ku xigayna rasaas buu ku furay, waxaanu leenahay dawladdu dembiga ha raadiso, haddii kale miyaa, annagu beel ahaan darxumada iyo qadhaadhka waanu is naqaanaa, haddii ay dawladdu sidan wax ay u waddo joojin waydana waxaa noo muuqata inaanay dawlad noqonayn, ninna aanu kursiga fadhiyaynin” ayuu yidhi Xaaji Daarood. Waxa kale oo iyaguna madasha shirka jaraaid ka hadlay xubno ay kamid ahaayeen Beddel Cali, Maxamed Aw Jaamac Fadhfadhle, Cabdirashiid Macalin iyo xubno kale.