Maadayska Googooska Geeska: Ninkii Shakiga Qabay Iyo Dhakhtarkii Nafsiga Ahaa

0
634

Hargeysa (Geeska)- Waa mar kale iyo maadayskii bogga Googooska Geeska, waxa aynu maanta ku soo qaadanaynaa qiso ka maramaysa dhakhtar iyo digaag uu waalli ku sheegay, waxa aanay u dhacday sidan:

Waxaa jiri jiray nin dhakhtar ah oo aad u caan ahaa, dadkuna ay gacantiisa ku kalsoonaayeen, maadaama oo ay u soo joogeen dad badan oo uu Alle shimbir uga so odhigay. Dhakhtarkan ayaa beri loo keenay nin uu xanuun shaki ahi ku dhacay. Ninkan bukaanka ahi markasta oo uu arko digaag, shimbiro ama Makiinadda waxa lagu ridqo waa uu dhuumman jiray. Marka la baadhay sababtana waxa la ogaaday in ninkani uu isu haysto in uu yahay hadhuudh  sidaa awgeed uu ka cabsi qabo in digaagga ama shimbiruhu cunaan iyo in mishiinkani ridqaba. Cid kasta oo isku dayday in ay ninkan shakiga ka saartaa way ku fashilantay. Aakhirkiina ninkii waxaa loo keenay dhakhtarkan caanka ahaa oo sheegay in uu ninkan daweyn karo.

Dhakhtarkii markii ninkii loo keenay muddo ayaa uu siyaabaha caadiga ah ee dadka cudurrada nafsiga ah qaba loo dabiibo u daweynayey, waxa aanu dadaal adag u galay in uu nafsiyan ugu qanciyo xaqiiqada ah in aanu ahayn hadhuudhka uu is moodayo ee uu yahay bani’aadam. Muddo kadib ninkii dhakhtarka ahaa waxa uu dareemay in ninkan bukaanka ahi uu bogsaday oo shakigii ka baxay, maadaama oo uu rumaystay in aanu hadhuudh ahayn ee u uaadame yahay. Markii uu sidaas ku qancay ayaa uu dadkii isugu yeedhay una sheegay in uu daawayntii ku guulaystay.

Warkiisa aad baa loogu farxay, laakiin qoysku marka horeba shaki baa ay qabeen oo waxa ay go’aansadeen in inta aanay dhakhtarka ka tegin ay ka dalbadaan in uu hortooda ku tijaabiyo bal in ay dhab tahay bogsashada ninkani.

Dhakhtarkii oo tijaabadii samaynaya ayaa ninkuu ku yidhi, “Imika ma ku qanacday in aad tahay qof bani’aadam ah oo aanad ahayn Hadhuudh?” Ninkii ayaa ugu jawaabay, “Haa si fiican ayaan ugu qancay. Laakiin digtoore waxa aad ii sheegtaa cidda digaaga iyo shimbiraha ka dhaadhicin doonta in aan ahay qof ee aanan ahayn midho, waayo waxa aan ka baqo qabaa in iyaga oo I moodaya midho ay igu soo yaacaan”