Haddii Ay Dunidu 100 Qof Ahaan Lahayd Sidan Ayaa Ay U Qaybsanaan Lahayd (Q:3aad)

0
555

Washington (Geeska)- Waa qormadii saddexaad ee taxanihii uu Geeska Afrika ka soo xigtay degelka Internet ka ee 100 People, kana hadlayey qiyaas guud oo qaab boqolley ah u qaybinaysa dadka dunida maanta ku dhaqan oo tiradoodu kor u dhaaftay 7 Bilyan, iyada oo laga eegayo kala duwanaanshiyaha jinsiga, dhaqaala, nolosha iwm.

Haddii dunidu ay boqol qof ahaan lahayd:

Waxbarashada Ragga iyo dumarka:

– 76 Ragga ah ayaa ay waxbarashadooda dugsiga hoose/dhexe ku eegtahay.

– 72 Dumarka ahna waxbarashadoodu waxa ay gaadhsiisan tahay heer dugsi hoose/dhexe ah.

– 66 boqolkiiba ragga dunida ayaa ay waxbarashadoodu ku joogtaa dugsiga sare.

– 63 dumarka dunida ah ay waxbarashadoodu ku joogto dugsiga sare.

–   7 Boqolkiiba Toddbada ayaa tirada guud ee dadka dunida ka ah kuwo aqoontoodu gaadhsiisan tahay heer jaamacadeed oo shahaadada koowaad ah.

Nolosha magaalada iyo baadiyaha:

Tiro koobkani waxa uu sheegayaa in qiyaasta dadka dunida ku nool ee miyiga ku dhaqan iyo kuwa magaalada ku dhaqani ay sidan noqon lahayd:

– 51 Boqolkiiba waxa ay noqon lahaayeen kuwa deggen magaalooyinka

– 49 soo hadhayna waxa ay noqonayaan dadka weli noloshii baadiyaha ku sii nool.

Biyaha iyo Cuntda iyo Faqriga:

– 87 boqolkiiba dadka dunida ah ayaa heli kara biyaha la cabbo oo nadiif ah.

– 13 boqolkiiba ayaa iyaguna cabba biyo aan la hubin caafimaadkooda.

– 15 boqolkiiba dadka dunidu waxa ay ka hooseeyaan heerka nafaqada ee caafimaad ahaan saxda ah, ama aynu nidhaahno waxa ay helaan cunto aan nafaqo ahaan ku habboonayn caafimaadkiisa.

–   1  Boqolkiiba oo dadka dunida ka mid ah ayaa qaba cudurka HIV/AIDS.

–   1 Boqolkiiba ayaa iyaguna qaba cudurka Tuberculosis.

– 48 Boqolkiiba ayaa ku nool maalintii dakhli ka yar 2 Doolar.

–   Labadii carruur ah ee dunida ku suganba mid ayaa faqri ku nool.

Laydhka:

– 78 Boqolkiiba dadka dunida ayaa heli lahaa Koronto.

– 22 Boqolkiiba oo ah tirada soo hadhayna waxa laydh ma ay shidan lahayn.

Tiknoolajiyadda:

– 75 boqolka ka mid ahi waxa ay isticmaali lahaayeen talefanka gacanta lagu qaato (Mobile)

– 30 Boqolkiiba waxa ay noqon lahaayeen dad si firfircoon internet ka u isticmaala.

– 22 Boqolkiiba oo dadka dunida ka mid ah ayaa kelidood leh ama cid kale ay wada leeyihiin Kombiyuutar.

Nadaafadda:

– 65 Boqolkiiba ayaa nadaafaddooda wanaajin lahaa.

– 16 boqolkiiba ayaan suuliyo lahayn.

– 19 Boqolkiiba oo ka mid ah dadka dunida ayaa lahaan lahaa suuliyo aan ahayn kuwii caafimaad ahaan saxda ahaa.