Wada Hdaladii Somaliland Iyo Somaliya Oo Maanta Furmaya

0
465

labaHargeysa (Geeska)-Wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya ayaa Maanta si rasmiya ugu furmi doono Dalka Turkiga.

Wada hadaladan oo muddo Laba cisho ah socon doona, ayaa ah kuwo aad u adag iyadoo ergada ay dawladda Somaliya soo xushay ay ku jiraan xubno dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda, waxaana sida ay wararku sheegayaan laga yaabaa in ergada Somaliland diido inay horfadhiistaan cid ka soo jeeda asal ahaan Somaliland.

Si kastaba ha ahaate wada hadaladan maanta furmaya ayaa indhaha ay ku hayaan shacabka Somaliland.