“Xukuumadan Maanta Waxaan U Arkaa Nidaam Fashilmay”

0
552

riyoHargeysa (Geeska)-Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cabdirashiid Maxamed Xasan (Cabdirashiid Riyo-raac), ayaa ka hadlaya wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, Maanta ugu furmaya Wadanka Turkiga, waxaanu tilmaamay in qodobo ka mid ah qodobadii hore loogu heshiiyey, wada hadalada la jabiyey, isaga oo tusaale u soo qaadatay laba Wasiir oo Somaliya ka socda, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland,inay wada hadalada ka qeyb galayaan, waxaanu xusay inay khalad tahay, in dad reer Somaliland u dhashay ay ka qeyb galaan wada hadalada iyaga oo Somaliya matalaya, waxaanu sidoo kale tilmaamay in mawqif adag XIsbiga  Waddani iska taagay wada hadalada isla markaana ka soo horjeedaan.

Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cabdirashiid Maxamed Xasan (Cabdirashiid Riyo-raac),ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay sida uu u arko isku shaandhayntii, magacaabistii iyo xil ka qaadiistii uu Madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa, waxaanu ku tilmaamay in Olole ay tahay, waxaanu yidhi isaga oo Wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika  “Xukuumaddan lala ma simi karo Xukuumaddihii hore, oo Xukuumaddihii hore, waxa ay ahaayeen qaar wax laga sheego oo haddana shaqeeya, oo qaab Dawladmnimo iyo qaab shaqaba ay ka muuqato, laakiin Xukuumaddan, Xukuumad uma arko, waxa aan u arkaa nidaam fashilmay, oo is dhex yaac ah, markaas haddii nidaamkii fashilmay wax walba waa ka suurtagal, in intan la magacaabo iyo in la magacaabo in ka badan, mana aragno cid daneenaysa ama eegaysa isku bedelka iyo magacaabistaba, mana jirto cid doonaysa, maxa yeelay marka Shacabka uu lexe-jeclo ka qabo Xukuumadda, oo uu arko Xukuumadda, mid nidaamkii iyo Dawladnimadii ku soconaysa ayaa wax la arki karaa, balse waxa aan leeyahay Xukuumaddu sideeda ayey iskaga fashilan tahay, wax walbana waa ka suurtagal”.

Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Waddani oo hadalkiisi sii wata ayaa yidhi “ Waxa la kala garan la yahay ma olole korodhsiimo ayaa laga dayayaa magacaabisitan mise Olole Doorasho, maaha dan dalka iyo dadka ah, ee waa dan Olole, waxa Maanta waxaas oo Wasiiro ah iyo Wasiiro ku xigeeno ah waxa loo magacaaba waxa laga dayayaa oo ay u muuqata waa Olole”.

Xoghayaha Qorsheynta Xisbiiga Waddani oo ka hadlaya wada  hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Anagu haddii aanu nahay Xisbiga Waddani hore waa u qaadacnay, oo waxa aanu nidhi ha la hakiyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, ilaa Doorashada  la galayo, oo ay imanayso Xukuumad u igman imanaysa meesha, waxa se Xukuumaddani muujisay in dalka aan la wada lahayn, in aan cidi is maqlaynin,iyo  in aanay cidi talo kala qaadanaynin, walibana waxaanu ognahay in la jabiyey qodobadii hore loogu heshiiyey oo ah in cid Somaliland ka soo jeeda oo Somaliya ka socotaa aanay ka soo qeyb gali karin wada hadalada,Maantana waxa aynu ognahay in laba Wasiir oo Somaliland u dhashay ayaa imanaya, oo xaggaas Xamar ka  imanaya oo iyaga qaabilaya, ilaa Doorasho dalka ka dhacdana anagu ma ogolin wada hadalada, Xukuumaddana waxa aanu kula talinay inay hakiso, balse Dhegaha ayey ka xidhatay”.