Shan Murashax Oo Soo Saaray Qodobo Ay Ku Midaysanyihiin

0
559

Hargeysa(Geeska)-Musharaxiinta u taagan doorashada golaha wakiilada ee beesha Guulane Cabdalle oo ka mid ah beelaha Arab   ayaa iskugu yimid kulankii ugu horeeyey ee ay isku soo hor fadhiistaan.

Kulankan ay musharaxiintu yeeshaan  ayaa waxay ka soo saareen qodobo muhiim ah oo ay tilmaameen inay waajib tahay in lagu dhaqmo waxaana ka mid ahaa

1.       In la ilaaliyo midnimada reerka

2.       Inay musharaxiintu ka dhawrsadaan talaabo kasta oo tolka khilaaf iyo turxaan kala dhex gelin karta

3.       Iyada oo la og yahay in wakhtigii doorashada dib u dhacayso  waxay musharaxiintu ku heshiiyeen in xamaasada ololaha tartanka la hakiyo

4.        Waxay musharaxiintu ku heshiiyeen in danta guud ee reerka iyo dalkaba mudnaanta koowaad la siiyo

5.       In wada tashi joogto ah laga wada yeesho sidii talo midaysan looga wada gaadhi lahaa arinta musharaxnimada reerka

 Musharaxiinta Sida Wada Jirka Ah U Soo Saaray Bayaankan

1.       Musharax Saxardiid Cali Cabdilaahi

2.       Musharax Cabdi Samad Cali Ducaale

3.       Musharax Ibraahin Muuse Raage

4.       Cabdiqani Faarah Ibraahin

5.       Cabdilaahi Maxamed Cali