Ergada Somaliland Oo U Baxday Turkiga Iyo Dawladda Somaliya Oo Wada Hadalka U Soo Xushay Siyaasiyiin Somaliland Ka Soo Jeeda

0
523

Picture3Hargeysa(Geeska)-Ergada dawladda Somaliland uga qayb galaysa wada hadalka Somaliland iyo Somaliya oo Axada beri furmaya ayaa shalay u ambobaxday wadankaas Turkiga.

Weftigan Somaliland uga qeyb galaya wada hadalada ayaa waxa ka mid ah Wasiirka Wasaradda Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Wasaaradda Beeraha Faarax Cilmi Geedole, Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw Daahir, Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Guurtida Siciid jaamac Cali, Xildhibaan Axmed Kijaandhe.

Wada hadalkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu xaasisanaa tan iyo markii ay wada hadalada labada wadan bilaabmeen, waxaanay dawladda Somaliya ergada wada hadalka ku soo dartay xubno u dhashay Somaliland oo dawladooda ka tirsan.

Ergada Somaliya waxa hoggaaminaya Wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxaana ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda Cabdisalaan Cumar Hadliye oo u dhashay gobalka Awdal ee Somaliland, Wasiirka duulista iyo hawada Cali Jaamac Jengeli oo u dhashay gobalka Sool ee Somaliland. Waxa kale oo la sheegayaa inuu ergada Somaliya isna ku jiro wasiirka warfaafinta Somaliya Maxamed Maareeye oo isna u dhashay gobalka Togdheer ee Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo shalay arrintan wax laga weydiiyay ayaa yidhi “Sidaad la socoto Wada hadaladu waxay u dhexeeyaan Somaliland iyo Somaliya, oo laba waddan oo kala geddisan ah, oo xuduud mucayin ah leh, cidda aanu la shiraynaana waa dad Xamar ka yimid oo shaqo naguma leh dad Isirkooda hore Somaliland ahaa waayo? Wada hadalka ayaa ah Somaliland iyo Somalia.”

Hase yeeshee talaabadan ay dawladda Somaliya qaaday oo u muuqata inay jiho kale u wareejinayso wada hadalada labada dal, ayaa waxa haddii aanay Somaliya ergadooda wax ka bedelin noqon doontaa mid khalkhal gelisa shirka wada hadalka iyadoo la filayo inaanay weftiga Somaliland horfadhiisan doonin cid ka soo jeeda dhalasho ahaan Somaliland.