Dawladda Djibouti Oo Ka Hadashay Xuduudka U Dhexeeya Wadamada Somaliland Iyo Djibouti

0
663

Picture2buuti(Geeska):-Taliyaha ciidanka booliska dawlada Jabuuti Kornayl Cabdilaahi Cabdi Faarax, ayaa si kulul uga hadlay hadalo muddooyinkii danbe sheegayey in uu xidhan yahay xuduudka u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti ee Lawyacado, waxaana uu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah isla mar ahaantaana uu xuduudku u furan yahay cid kasta oo sharci ama dal ku gal sidata, isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftay in cida aan sidan wax sharci ah iyo dal ku galtoona aan laga ogalayn in ay ka soo talaabaan xuduudka u dhaxeeya labada dale e Somaliland iyo Jabuuti.

Kornayl Cabdilaahi Cabdi Faarax, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa oo ku yaala magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, waxaana uu sheegay in hadalada noocan ah ay faafiyeen siyaasiyiin uu sheegay in ay olole ka dayeyaan."Maanta(Shalay) waxaan jeclahay in aan halkan ka war geliyo umadda Soomaaliyeed ee xuduudaha ku camal fasha inta sii marta ee baxaysa iyo inta soo marta ama soo galaysaba, taasi oo ay wacday o dhaahyo badan oo muddooyinkan naga soo gaadhayey baraha Intenetka ee bulshada oo rag siyaasi isku sheeg ah oo gobalada Awdal degan ay ka dhigteen Olole iyaga oo dadka warar been ah u sheegaya, wararkaas oo odhanaya xuduuda waa la xidhay u dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti, gaar ahaan Looyacaddo. Dadka waxaan jecel nahay shicibka ah ee labada dal isaga gudba in waxaasi warar been ah ay tahay."Ayuu yidhi Kornayl Cabdilaahi Cabdi Faarax.

Taliyaha ciidanka Jabuuti Kornayl Cabdilaahi Cabdi Faarax, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti ay heshiis ku yihiin in la iska kaashado sugida nabada iyo sidii loo adkayn lahaa amaanka waxii isaga gudbaaya xuduudka labada dhinacba, waxaana uu yidhi:

"Waxaa jirta xaqiiqiyan warar ku saabsan nabad sugida oo waliba nagaga yimi xaga Somaliland oo keenay digtooni siyaado ah in aanu ka yeelano iskaga gudubka xuduudyadaas, tanina waa arrin ay labada dalba wadaagaan, mas'uuliyiintoodana aan isla ognahay haday noqoto xaga shishe ee Somaliland mas'uuliyiinta joogta iyo haday noqoto xaga soke ee Jabuuti mas'uuliyiinta joogta aan isla ogalnahay heshiis aanu ku nahay in nabad sugida aan adkayno labada dhanba waxa iskaga gudbaya.”.

Kornayl Cabdilaahi Cabdi Faarax, ayaa ugu danbayntii waxaa uu sheegay in kaliya cida la joojiyey ay tahay cida aan sidan wax sharciya ama dal ku gal ah, waxaana uu caddeeyey in hada uu xuduudku u furan yahay cid kasta oo sidata sharci ama dal ku gal.

“Qofka sharciyeysan ee sharciga sita iyo allaabta sharciyeysan ee sharcigeedu u dhan yahay labada midna la isma hortaagi karo, waxii labada dhaaf siisan ee sharci darada ku soo maraayey, waa la adkeeyey oo waa la diiday, taas waa amar dawladeed waana la fuliyey, ninka dee intaa olole ka dhiganaaya dadka beenta u sheegayaa isaga ayey jirtaa, se xaqiiqadu waxaa ay tahay saakada(Shalay) aynu joogno haddaad martiin oo aad socotiin oo sharcigiinu idiin dhan yahay cid iskiin hortaagaysaa ma jirto, waana iska furan yahay, waxaana uu u furan yahay dadka sharcigooda sita, ninka aan sharciga sidan waa la iska joojiyey, la iska eega, la iska baadha, waana waajibku sida uu yahay ee xeerku dhigaayo, waxanina waa wax loo dhan yahay oo labada wadanba u dhan yihiin, masuuliyiintooduna u dhan tahay islana ognahay in aan sidaas u shaqayno imikana wax xuduud ah oo xidhan ma jirto. annagu markaa waxaan leenahay runtu waxaa ay tahay, xuduudu waa ay furan tahay, waxii sharci sita ayey u furan tahay ee dad iyo duunyaba.".Ayuu yidhi Kornayl Cabdilaahi Cabdi Faarax.