Qolfoof Laga Helay Falastiin Oo 55 Kun Oo Sano Jiray Ayaa Daahfuray In Afrika Ay Asal U Tahay Dunida

0
564

Picture1Qaahira (Geeska)- Saynisyahanno u dhashay dalka Faransiiska ayaa mid ka mid ah god ku yaalla Falastiin ka helay qolfoof lafta madaxa aadamaha ah oo jiray muddo 55 kun oo sano ay ku qiyaaseen.

Xeeldheerayaashan oo muddo godkan qaddiimiga ah ka baadhayey ataar hore iyo hadhaadi aadame ayaa sheegay in baadhis ay ku sameeyeen qolfoofkani ay muujinayso in uu samays ahaan u dhigan yahay qaabka samayska qolfoofka madaxa ee dadyowga Afrikaanka iyo reer Yurub ah ee hadda dunida ku dhaqan. Sida ay ku warramayso majaladda cilmiga sayniska ka faalloota ee Nature oo ka soo baxda dalka Faransiiska natiijadani waxa ay mar kale xoojinaysaa fikirka horeba u jiray ee ah in Afrikaanku ay asal u yihiin dadka dunida maanta ku dhaqan oo dhan.

Wakaaladda wararka ee bariga dhexe oo dalka Masaru u leeyahay ayaa iyaduna sheegtay in daraasaddan cusub ee ay khubaradan Faransiiska ahi sameeyeen ay daahfurayso in dadka deggenaan jiray godkan iyo dhulka ku xeerani ay u dhowdahay in ay ahaayeen aadamihii ugu horreeyey aadamaha casrigan nool, kaaso o gumaysan jiray qaaradda Yurub, isla markaana awood u yeeshay in uu noolaado aadamihii isna Yurub ka soo jeeday ee xilligaas ku noolaa dhulkan loona yaqaannay Neanderthal.  Taasina ay tilmaam u tahay in tafiirta hore ee aadamahan casriga ahi ay tahay wadaag ka dhex dhalatay labadaa isir ee isugu yimid dhulkan.