Cabdillaahi Geeljire Oo Ku Baaqay In Laga Feejignaado Dabinada Dalka Turkiga

0
889

geeljireHargeysa(Geeska):-Wasiirkii hore ee wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Md:Cabdlaahi Cismaan (Cabdilaahi Geel-jire), ayaa si adag uga hadlay mucaawimada ay dawlada Turkigu siiso dalka Somaliya, waxaana uu sheegay in dawlada Turkigu aanay haba-yaraatee dhex dhexaad ka ahayn mucaawinadaasi.

Md:Cabdilaahi Cismaan Geel-jire, waxaa  uu hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeka Afrika, waxaana uu ugu horeyn ka hadlay sida uu u arko mucaawinooyinka dawlada Turkigu ay bixinayso."Guud ahaanba haddaan taabto mucaawinooyinka Turkigu sida uu u bixinaayo, ama madaxweynahoodu ha ugu dhawaaqo ama dawlad ahaanba ha ugu yaboohaane sida ay wax u wadaan ee ay Somali dhex deeda wax uga wadaan, waxaan u arkaa si aan dheeli tirnayn oo aad iyo aad dhinac ugu qaloocda oo aan ahayn wax cadaalad ah, iyo mucaawino aan muslinimo iyo tolnimo toona aan ahaynee siyaasadooda sida ay wax ugu arkaan oo kaliya ku fadhida.”

Cabdillaahi Geeljire, isagoo ka hadlaya safarkii u dambeeyay ee uu Madaxweynaha Turkigu ku tagay wadanka Somaliya, wuxuu yidhi “Haddaan socdaalkii u danbeeyey ee madaxweynaha Turkiga soo qaado, inagana waad ogtihiin qaran ahaan waxaa waajib inagu ah qaran ahaan in aynu caalamka xidhiidh wanaagsan la yeelano kuwa muslimka ah iyo kuwa Carabta ah iyo kuwa jaarka ah intaba in aynu marka xidhiidh wanaagsan la yeelano, waana aynu ixtiraamaynaa xidhiidhka caalamiga ah, laakiin safarkan u danbeeyey ee madaxweynaha Turkigu uu Muqdisho uu ku tagay, waxaa ay muujinaysaa in aynu Laba wadan aynu kala ahaynba, isaga oo aad ogtahay in uu wada hadaladeena dhex dhexaadinaayey oo gogosha inoo fidiya, oo runtii marka aynu dalkiisa tagno gogosha inoo fidiyo iyo in aanu toos inoo fara galin wada hadalada oo aynu ugu mahad naqayno. Laakiin mucaawinadii waxaa muuqata in aanu inaga wax ina tarin la taaban karo. Marka waxaa ay inoogu muuqataa in aynu inagu arrintaas aynu dib u eegno, in aynu ka dacwoono, waxaad arkaysaa in doorkan ugu danbeeyey uu u balan qaadan in uu illaa Toban-kun oo guri u dhisi doono, shaqaale ayaa uu u tababarayaa, xataa bayloodadan diyaaradaha ayaa uu u tababaraa, oo runtii wax yaabaha inoogu waaweyn ee inagu sidii ay dawladii hore ee Somaliya diyaaradihii ay inagu garaacday illaa hada meelaha nabarka aynu ka leenahay ka mid ah ayuu hadana bayloodo badan u tababaray ayaa la yidhi, shaqaale dawladeed ayuu u tababaray baray, dhakhtarka kaliya ee imika runtii uu dhisay 53-kun oo Milyan oo dollar ayaa uu u qoon deeyey , xataa maaha Somaliya oo dhan oo Somaliya iyagu faderaal ayey sheegtaan, oo dawladihii kale iyaga xagooda faderaalka ahaa xataa gacantiisu ma gaadhsiisna oo waa magaalo kaliya iyo dad kaliya”Ayuu yidhi Md:Cabdilaahi Cismaan. Wasiirkii hore ee wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda Md:Cabdilaahi Geel-jire, waxaa kale oo uu ugu baaqay xukuumada iyo sida oo kale baarlamaanka Somaliland in ay muujiyaan sida ay uga xun yihiin mucaawinadaa faraha badan ee kaliya ay dawlada Turkigu ugu deeqday dalka Somaliya. “Marka inagu marka aynu Somaliland nahay arrintaa aad ayeynu uga xumayn, war war weyn ayeynu qabnaa, waxaan filaynay in Turkigu uu yahay dawlad weyn oo Muslim ah oo walaalaheen ah oo in uu cadaalad mucaawimadiisa iyo wax-siiskiisaba iyo waliba sida uu waxsiiskiisa inoo siinayaaba ay cadaalad ku siman tahay, laakiin waxaa muuqata in uu wax gaar ah yahay, Laakiin waxaa muuqata in aanu wadadaas haysan se wax gaar ah iyo siyaasad ay daba socoto, taasina inaga inama anfacdo. Sidaas daraadeed waxaa muhiim ah in xukuumadu ay qorshaheeda ku darsato in ay arrintaa ka digto, ama ay diidmadeeda ka muujiso, waayo ninka waxan samaynayaa dhex dhexaad ma noqon karo, waa in ay muuqataa in uu dhinacna wax siinaayo dhinacna uu aasayo, hadal kaliya ahina ina anfici maayo oo in layna yidhaahdo hudheel ayaa lay diin qabtee kaalaya oo kuwada hadla, waana in wada hadalkaas laftiisa haday wax iska badali waayaan aynu cid kale u dhiibano oo arrintaa aynu aad iyo aad u muujino in aynu ka xunahay, waxaan qabaa in ay golaha wakiiladu ay ka hadlaan oo ay ka soo saaraan qaraar ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin iyaga oo isku duuban sida aanu Turkigu mucaawinadiisii aanu daacad ka ahayn. Maalintii ugu danbaysay ee aynu joognay Jabuuti iyo kuwii horeba waa inagii nidhi mucaawinada caalamku uu bixinaayo ha ahaadaan wax loo siman yahay, markaa isagiiba Turkigu sidan samaynaaba oo aniga baqaaba iga galay arrintaas oo haddii uu sidan samaynaayo kuwa kalena muxu samayn lahaa ee uu dabada kuwato, marka aynu arrinta ka feejinaano inaga oo aan ka tagayn siyaasada khaarajiga ah ee ah in aynu caalamka xidhiidh la yeelano, la hadalno meesha ay wax inoogu jiraan, laakiin waxii aynu inagu diidanahay waa in aynu muujinaa"Ayuu yidhi Cabdilaahi Geel Jire.