“Cirro Iyo Faysal Cali Waraabe Colaadi Nagama Dhaxayso”

0
806

cabdiraxmaan-cismaan-caalin-2Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay safarka uu Madaxweynaha Turkigu uu ku tagay Somaliya iyo sida oo kale  halka uu ka taagan yahay dhex dhexaadnimada wada hadalada Somaliland iyo Somaliya,waxaanu sheegay in aanu Turkigu daacad ka ahayn wada hadalada ee uu doonayo midnimo iyo Inay Somaliland iyo Somaliya dib iskugu noqdaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), ayaa sidoo kale waxa dhaliil u soo jeediyey Wasaaradda Arrimaha Guddaha oo uu sheegay inay wax ka qaban wayday isla markaana xil iska saari wayday Diiwaangelinta Madaniga ee Deegaanada Baligubadle iyo Salaxlay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay arrimo kale.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay aragtidiisa ku aadan Doorashada iyo qodobadii ka soo baxay Shirkii Awdal, waxaanu ugu horeyn yidhi isaga oo ka hadlay safarkii  Madaxweynaha Somaliland  “Madaxweynaha Somaliland Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Sillaanyo), in Mucaaradku si kale uga hadllaan, Safarkiisa iyo inay siyaasadeeyaan, maaha, Madaxweynuhu imika oo qudha Safar umuu bixin, ee marar badan ayaa uu Safar ku tagay qaar ka mid ah Deegaanada dalka, balse waxa jiray Saddex Safar oo balaadhan, oo midi waa Safarkii uu ku soo maray Oodweyne, Baligubadle, Salaxlay iyo Deegaano kale, midina waa Safarkii dheera ee uu ku maray Xeebaha ee ahaa Boorama, Saylac ilaa Laasqoray, midina waa Safarkan oo uu ku tagay Deegaano aad u badan, olole maaha, ee Madaxaweynuhu waxa uu gutay waajibkiisi ,oo waxa uu waajib ka saaran yahay inuu soo ogaado xaalada dadkiisa, waxa uu deeganadaas ka soo fuliyey Mashaariic fara badan, waxa uu soo dhagax dhigay Mashaariic kale, oo waxa uu ku xisaabtamaya xitaa waxa uu doonaya in uu Doorashada ku guulaysto inuu halkaas ka sii wado horumarka dalka iyo dadkaba, haddii laga guulaystana inuu ka tago oo uu wareejiyo horumar muuqda oo uu ka hirgaliyey dalka.”

 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo aanu wax ka weydiinay sida uu arko Safarka uu Madaxweynaha Turkigu ku tagay Somaliya iyo doorka uu ka qaatay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, ayaa ku jawaabay “Safarka uu Madaxweynaha Turkigu Rajab Dayib Erdogan, uu ku tagay Somaliya, gaar ahaan Muqdisho waa mid isaga gaar u ah, balse inaga dalkeenu waa dal amaana ah oo xasilooni iyo Nabadi ka jirto, laakiin anigu waxa aan qabaa in aanu marnaba dhex ka ahayn wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, maxa yeelay waxa uu doonaya midnimo iyo inaynu dib u midoowno Somaliya, oo mar walba Somaliya ayuu taageera, mashaariico kala duwan uu ka fuliya, balse inagu waxa aynu nahay dal wax badan qabsaday, go’aankana Turkigu ma leh ee inaga ayaa iska leh”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere ayaa mar aanu wax ka waydiinay sida uu arko inay Doorasho dalka ka dhacayso iyo in kale ayaa yidhi “Marka aynu Doorashada ka hadlayno, Doorashadu siyaabo kala duwan ayey ku dhacdaa, waxaana ka mid ah in marka hore la diyaariyo Dhaqaalihii lagu qaban lahaa, Agabkii lagu qaban lahaa, iyo in Komishanku ku dhawaaqan iyo in la helo Kaadhadhkii lagu codeyn lahaa, oo hadda qaadashadii Kaadhadhkii Madaniga ahaa dhammaad ayey ku dhaw yihiin, horena waa tii loo sheegay in cida ay kaadhadhkaasi ka dhammaadan in loo raacin doono marka la qaadanayo Kaadhadhka Cod bixinta,laakiin wakhtiga rasmiga ah ee la qabanayo Doorashada waxa ku dhawaaqitaankeeda iyo sheegitaankeeda leh Komishanka Doorashooyinka”. Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere ayaa mar uu ka hadlaayey Wasaaradda Arrimaha Guddaha ayaa yidhi “Wasaaradda Arrimaha Gudduhu xil iskamay saarin, wayna ka gaabisay diiwaangelinta Baligubadle iyo Salaxlay iyo walibana Deegaanada hoos yimaada, oo xil iskamay saarin, maxa yeelay waxa ay Wasaaraddu tidhi Internet-kii ayaa go’ay, oo Deeganada hoos yimaada Xarumaha la iskaga diiwaangelinayo Salaxlay iyo Baligubadle ha yimadaan, taasina waxa suurtagal ah maaha, maxa yeelay wakhti adag oo jilaal ah ayaa lagu jira, waxaana masuuliyadaas iska leh Madaxda Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Baligubadle iyo Salaxlay oo qudha maaha waxa jira Deegaano kale oo sidan oo kale ku dhacday balse aan hadal, markaas inta waxa haboon inay Wasaaraddu dib iskugu noqoto, oo ay arrimahan waxa ka qabato, inta aanay soo bixin dhaliilo kale”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere ayaa mar aanu wax ka waydiinay xidhiidhka u dhexeeya isaga, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe wuxuu  ku jawaabay “Anigu Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe isku Xisbi ayaanu ahaan jirnay, isku siyaasad ayaanu ahaan jirnay, laakiin markii aanu Faysal ka cadhoonay anigu waxa aan raacay Cabdiraxmaan Cirro, balse markii uu Waddani aasaasay kumaan jirin, oo waan ka tagay, oo Kulmiye ayaan ku biiray, haddana kala Siyaasad iyo kala Xisbi ayaanu nahay, oo waxa jira Rag badan oo aanu kulmiye ku wada jirno oo haddana kala fikrad nahay, waxa colaad ahina nagama dhexeeyso Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe, wanaag mooye”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo hadalkiisa sii wata kana hadlaya shirkii Beelaha Samaroon u soo xidhmay wuxuu yidhi “Shirkii dhammaaday ee ka socday Gobolka Awdal, si fiican ayuu ku furmay, si fiicana wuu u dhamaaday, Qodobo muhiim ahina wey ka soo baxeen, waxaana cad in guud ahaan reer Awdal aanay raacsanayn Suldaan Wabar”.