Wasaaradda Khaarajiga Oo Beenisay War Laga Baahiyay

0
632

Picture1Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa beenisay war ay ka baahisay shabakad wareed oo internetka ahi. Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Md. Maxamed Xasan Siciid, ayaa warsaxaafadeed uu shalay soo saaray wuxuu ku beeniyay warkaas oo sheegayay in wasiirka khaarajiga Md. Maxamed Biixi Yoonis uu hay’adaha ajaanibka ah ee degen xaafadda Masalah ee Hargeysa ku wargeliyay inay xaafadaas ka jirto nabadgelyo xumo. Agaasimaha guud ee wasaarada khaarajiga ayaa warkaas ku tilmaamay mid been abuur ah, isagoo sheegay in wasiirku muddooyinkii u dambeeyay ku maqnaa safar dibadda ah. Warsaxaafadeedka ayaa wuxuu u qornaa sidan “Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland waxa ay halkan ku beeninaysaa War aan sal iyo raad toona lahayn oo ay baahisay shabakada wararka ee Togaherer, taasi oo lagu baahiyay shabakadaha kale ee war baahineed.

Sida umadda reer Somaliland la socoto wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalaiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis waxa uu in muddo ahba ku maqanyahay dalka dibediisa isaga oo shirar caalamiya oo lagaga hadlayay Ictiraaf raadinta Somaliland ka qayb galay. Haddaba, waxa ayaan daro ah in Shabakada warbaahinta ee Togaherer ay War been abuur ah oo dhaawacaya nabadgelyada iyo sumcadda dalka ay baahisaay.

Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ahi, waxa ay halkan ku caddaynaysaa in aanay jirin wax warqad ah iyo war arrintaasi khuseeya oo ay soo saartay ama u gudbisay Hay'adaha qaramada Midoobay. Sidoo kale wararka noocan oo kale ah ma  aha qaar suurto gal ka ha wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Maxamed Biixi Yoonis, iyo masuuliyiinta kale ee Qaranka midkoodna.

Wasaarada Arrimaha Dibadu waxa ay arrintan u gudbin doontaa Hay'adaha sharciga, madaama been abuur laga sameeyay Wasiirka iyo Qarankaba.”