“Kala Hadalka Iyo Madaxweyne Ka Daba Hadalku Ceeb Kuma Aha Haakah-sugayaasha Hungoobay”

0
550

boobe-2Hargeysa(Geeska):-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa xukuumada ku eedeeyey in ay ka soo baxaan hadalo is khilaafsan oo ku saabsan qabsoomida doorashooyinka soo socda.

Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md:Boobe Yuusuf Ducaale oo war-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga Waddani shalay warbaahinta u akhriyaayey, ayaa waxaa uu  u dhignaa sida tan:

Warsaxaafadeed: Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, Siilaanyo ayaa wareysi aad u koobnaa oo uu siiyay TV-ga Qaranka 25/1/2015ka, habeennimadii kaga hadlay dhowr arrimood oo uu si sar-ka-xaadis ah u guud-maray. Madaxweynuhu wuxu wareysigaa koobnaa ku sheegay in uu wanaagsan yahay oo uu caafimaad qabo Ilaahayna uga mahad-celinayo. Annaguna Ilaahay waxaaanu uga baryaynaa in uu u sii siyaadiyo. Sida aanu ka soo xigannay maalinlaha Ogaal Tirsigii 2454 ee soo baxay 26/1/2015ka, Mudane Siilaanyo isaga oo ka jawaabayay su’aal ku saabsanayd qabsoomidda doorashooyinka wuxu sheegay in ay Xukuumaddiisa ka go’an tahay in ay doorashooyinku xilligoodii ku qabsoomaan isla markaana ay dawlad ahaan diyaariyeen wixii kaga beegnaa doorashooyinka.

Madaxweynuhu, waxa kale oo uu sheegay in ay doorashadu xilligeedii ku dhici doonto, Insha Allah. Mudane Siilaanyo wuxu si cad oo aan mugdi ku jirin wareysigiisan koobnaa ku yidhi: “Dee (Mucaaridku) waxay ka baqanayaan in aan is-taago; waan is-taagayaa, waanan taaganahay, ee waa inoo garoonka.” Khudbaddiisii sannadlaha ahayd ee uu labada Gole ka hor jeediyay 2013kii wuxu si cad ugu sheegay in aan saacad loo kordhin doonin oo aan loogu dari doonin muddo-xileedkiisa.

26/1/2015ka, Wasiirka Maaliyaddu mar uu ka hadlayay xaflad Maansoor Huteel lagu qabtay isaguna wuxu ka sanqadhiyay in ay muddo-kordhini iman karto laguna qasban yahay oo ay sandulle tahay marka ay timaaddo. Kala-hadalka iyo Madaxweyne-ka-daba-hadalku ceeb kuma aha Haakah-sugayaasha-hungobay, bal se waa caadadood. Subxaan!

Annaga oo ixtiraamaynna Madaxweynaha odhan meynno wuu baqayaaye, waxaanu halkan ka caddaynaynaa in aanu Xisbi ahaan diyaar u nahay in aanu galno tartan dimuqraaddi ah, xor ah oo xalaal ah oo loogu tartamayo doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Madaxweynaha oo mar wada qabsooma.

Madaxweynaha iyo Xukuumaddisana loogama fadhiyo in ay diyaariyaan waxay doorashadu u baahan tahay oo keliya, waxa se laga rabaa in ay xilli horeba ku wareejiyaan Komishanka Doorashooyinka si doorashada loo muddeeyo. Qormo-sinka (qaacidadda ama foormulada) aad guntanaysaan waxa weeye:

 

Muddo-kordhin-doonku waa doorasho-diid, muddo-kordhin-diidkuna waa doorasho-doon, maalin aan fogaynna macal-cune muuqan doonee.

Md. Boobe Yuusuf Ducaale

Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI.