Wadnaha Dumarku Caafimaad Ahaan Waa Uu Ka Awood Badan Yahay Ka Ragga

0
763

London (Geeska)- Daraasad Cilmi ah oo lagu sameeyay dalka Ingiriiska ayaa daahfurtay in mid ka mid ah sababaha ay dumarku uga cimri dheeraadaan raggu ay tahay Wadnaha dumarka oo caafimaad ahaan ka awood badan kan ragga.

Khubarada diyaarisay daraasaddan oo ka tirsan Jaamacadda Liver Pool ee dalka Ingiriisku waxa ay ogaadeen in  awoodda uu dhiiga ku tuuro Wadnaha Raggu ay daciifto Afar meelood oo meel mar kasta oo da’diisu sii gabowdo, halka wadnaha dumarku uu sidiisa ahaado si kasta oo da’deedu u waynaato. Tusaale ahaan wadnaha gabadh da’deedu ay tahay Toddobaatan (70) sano si fiican oo la mid ah hablaha da’doodu ay tahay Labaatan (20) Jirka ayaa uu u shaqaynayaa, dhiiggana u soo tuurayaa, laakiin ragga maya. Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in faraqa dhinaca awoodda caafimaad ee u dhexeeya ragga iyo dumarku uu ugu yaraan yahay Shan sano, marka laga hadlaayo awoodda wadnaha iyo habsami u shaqayntiisa.

Khubaradani intii ay cilmibaadhistan wadeen waxa ay tijaabo ka qaadeen konton (50) Dumar ah oo da’doodu u dhaxayso Toddobaatan illaa Siddeetan iyo Kow (70-81) Jir, waxaana u soo baxday in marka dumarka dhexdooda laga hadlayo aanu jirin faraq caafimaad darro oo da’du keentay oo u dhexeeya shaqada wadnahooda, taas oo ay aad ugaga duwan yihiin ragga oo si caadiyaba loogu og yahay in caafimaadka wadnahoodu uu la sii laciifo korodhka da’dooda. Ugu dambayntii daraasaddani waxa aanay ragga kula talisay in ay aad u daryeelaan caafimaadka wadnahooda gaar ahaan in ay si nidaamsan ugu dadaalaan Jimicsiga iyo Ciyaaraha (Sports) taas oo ay sheegeen in ay u suurto gelin karto in awoodda caafimaad ee wadnahoodu aanay hoos u dhicin marka ay gaadhaan Konton ama Toddobaatan Jir.