Cajaayibta Iyo Duruusta Lagu Cibro Qaadanayo Ee Ku Duugan Makhluuqa Alla (1)

0
953

Hargeysa (Geeska)- Waa qormadii koowaad ee taxane gaaban oo uu Geeska Afrika akhristayaashiisa afka Soomaaliga ugu soo beddelay qaybo ka mid ah buugga Cajaayibta Makhluuqa oo uu qoray Mansuur Bin Muxammed Ash-Shariidah.

1. Kalluunka: Cajaayibta kalluunka waxaa ka mid ah in haddii ruux sakhraansan la ursiiyo Kalluunka, waxaa isla markaba ka taga sakhradda waxa aanu ku soo noqdaa caqligiisii saxda ahaa.

2. Shimbirka Guuguulaha (Hud-hudka) la yidhaahdaa markii uu u tegey boqoradii dalka Yemen oo magaceeda lagu sheegay Balqiis, waxaa ay taariikhaha qaar xuseen in boqortooyada Saba’ (Yemen) ee ay gabadhani ka talisaa ay lahaan jirtay Afar kun oo shiishyahan, kuwaas oo 22 ka mid ahi aanay shiishkooda la seegi jirin shimbirta hawada sare duulaysa. Laakiin markii Guuguulihii Nebi Sulaymaan (CS) uu soo galay hawada boqortooyadan isaga oo afka ku sida dhambaalkii uu Sulaymaan u soo dhiibay, dhammaantood waxa ay isku dayeen in ay soo ridaan shimbirkaas sita walaxda aan la garanayn ee boqoradda ku soo fool leh, laakiin midkoodna waa uu la heli waayey leebkiisa.

3. Sida uu Ilaahay ku sheegay Qur’aanka Kariimka ah aadamaha waxa uu ka abuuray candhuuf isku dhafan, isku jirta, haddaba asxaabigii weynaa ee Cabdillaahi Ibnu Cabbaas (Alle ha ka raalli ahaado isaga iyo aabihiiba) oo loo yaqaannay in uu yahay turjumaanka Qur’aanka ayaa isaga oo sii faahfaahinaya saamaynta candhuuftaa isku dhafan ee ninka iyo gabadha ka imanaysaa ku leedahay makhluuqa ka abuurmaya, waxa uu yidhi, “Lafta, neerfaha/Dareemayaasha, iyo quwadda qofku waxa ay ka yimaaddaan ninka, dhiigga, hilibka iyo timihiisuna waxa ay ka yimaaddaan gabadha.

4. Libaaxa iyo gaajada:  Libaaxu waa xayawaanka habar-dugaag oo dhan ugu adkaysiga badan gaajada iyo harraadka, laakiin haddii uu gaajoodo waxa aad u xumaada dabeecaddiisa iyo hab-dhaqankiisa oo dhan.

5. Geelu xamayti malaha: Cajaayibta abuurka geela ku jirta waxaa ka mid ah in aanu lahayn xamayti, iyada oo la og yahay in xayawaanka kale dhammaantii uu leeyahay xubintan, dad badan ayaana arrintan ku fasira in ay tahay sababta keentay in uu xayawaanka kale oo dhan ka Samir bato.

6. Bakaylaha: Bakayluhu marka uu seexanayo indhaha iskuma qabto. Bakaylaha dheddig sida dumarka ayaa uu leeyahay dhiigga caadada, sidoo kale sida xayawaannada qaar ayaa uu calyoceshdaa, oo cuntadii uu maanta cunay uu mar kale inta uu caloosha ka soo celiyo dib u raamsadaa. Waanu saleeyaa sida xayawaannada kale qaar badan oo ka mid ah.