Liiska Cusub Ee Golaha Wasiirada Somaliya Oo Caawa Lagu Dhawaaqay Iyo Magacyadooda

0
709

5444Muqdisho(Geeska)-Raysalwasaaraha Somaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa Caawa ku dhawaaqay liiska cusub ee golihiisa wasiirada oo ka kooban 20 xubnood.
Liiskan ayaa gebi ahaanba ah wejiyo cusub oo aan ka soo mid noqon xukuumadihii hore ee Somaliya. Waxaan sidoo kale ka mid ahayn golahan cusub xildhibaanada Baarlamaanka. 
Raysalwasaaraha ayaa sheegay inuu dib ka soo magacaabi doono wasiirul dawlayaasha iyo wasiir xigeenada.  Liiska ayaa ah sidan hoos ku qoran.
1.Maxamed Cumar Carte (Raysalwasaare xigeen ahna wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo sportiga
2.Axmed Xasan Gaboobe (Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta)
3.Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka)
4.Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti (Wasiirka maaliyada)
5.Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini (Wasiirka gaashaandhiga)
6.Cabdisalaan Hadliye Cumar (Wasiirka arrimaha dibadda)
7.Khadra Bashiir Cali (Wasiirka waxbarashada)
8.Fahad Yaasiin Xaaji Daahir (Wasiirka dekedaha, gaadiidka iyo badda)
9.Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Cayne (Wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga)
10.Nuur Faarax Xirsi (Wasiirka distoorka)
11.Guuleed Xuseen Qaasim (Wasiirka warfaafinta iyo isgaadhsiinta)
12.Cali Axmed Jaamac Jengeli (Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada)
13.Siciid Xuseen Ciid (Wasiirka xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa)
14.Cali Xasan Cismaan (Wasiirka beeraha)
15.Xasan Axmed Muudey (Wasiirka ganacsiga iyo wershadaha)
16.Saalax Sheekh Cismaan Muuse (Wasiirka hawlaha guud iyo dib u dhiska)
17.Sahra Maxamed Cali Samatar (Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadamaha)
18.Maxamed Mukhtaar Ibraahim (Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda)
19.Cabdirisaaq Cumar Maxamed (Wasiirka baatroolka, biyaha, khayraadka dabiiciga ah)
20.Xaawa Xasan Maxamed (Wasiirka Caafimaadka)