Qisada Su’aashii Nebi Muuse (CS) Uu Iska Weydiiyey Ilaahay (SWT) Iyo Xikmadda Jawaabtii Uu Malaggu U Keenay

0
650

Hargeysa (Geeska)- Qisaska qaddiimiga ah ee taariikhihii hore ku xusan waxaa ka mid ah tan uu maanta wargeyska Geeska Afrika la wadaagayo akhristayaashiisa oo u dhigan sidan, “Waxa la yidhi Nabi Muuse (CS) ayaa maalin maalmaha kamid ah, waxa uu is waydiiyay, su’aal niyaddiisa ku soo dhacday oo ahayd, “Talow Ilaahay ma seexdaa?” Kadib Ilaahay (SWT) ayaa si uu u qanciyo u  addoonkiisan wanaagsan, ee uu nebinimada u doortay,  una tuso mid ka mid ah sifooyinkiisa wanaagsan oo ah in Allaah aanu luloon hurdana doonin.

Waxa uu Ilaahay Nebi Muuse (CS) u soo diray Malag. Malagani waxa uu u dhiibay Nebi Muuse (SC) laba qaruuradood, kadib waxa uu ku yidhi, “labadaada gacmood mid kasta ku qabo qaruurad kana ilaali in ay dhacaan, habeen iyo maalinba” Nebi Muuse (CS) ayaa sida la sheegay labadii quraaradood muddo hayay kadib waa uu lulooday, mar kasta oo uu lulada darteed labad indhood isku qabto, labad gacmood ayaa isu imanayey markaasaa labada quraaradood ay isku dhici gaadhaan ama ku sigtaan in ay dhulka ku dhacaan. Laakiin marka uu dhaqaaqaas dareemo ayaa inta uu hurdada ka boodo uu mar kale labada gacmood halkoodii ku celiyaa.

Wax uu muddo sidan u kala ilaaliyaba ugu dambaystii Nebi Muuse (CS) waxa ka awood roonaatay hurdadii, markaasaa inta uu gam’ay ay labadii quraaradoodba dhulka ku dheceen oo ay jabeen.

Malaggii ayaa inta uu u yimi Nebi Muuse ku yidhi, “Taas ayuu Ilaahay Tusaale kaaga dhigayey, ee ogow haddii uu Ilaahay Seexan lahaa Cirka iyo dhulkuba in ay dayacmi lahaayeen oo aanay halkooda taagnaadeen”.