Khabiir Ka Tirsan FBI Oo Ina Baraya Habka Ugu Fiican Ee Qofku Uu Isu Jeclaysiin Karo Ruux Ay Hadda Is Barteen

0
600

Picture9Washington (Geeska)- Waa qaybtii saddexaad  ee taxanihii, Robin Dreeke oo 27 sano ka shaqaynayey dabeecadaha dadka uu kaga jawaabayey su’aalaha ah: Sidee ugu habboon ee uu qofku ku dhisi karaa xidhiidho kalsoonina dadka u gashan karaa? Haddii si cad oo fudud aan u dhigo, su’aashu waa, “Sidee ugu habboon ee aad dadka uga dhigi kartaa kuwo ku jecel:

Robin waxa uu sheegay in ereyada uu qofku afka ka leeyahay iyo xarakaadka jidhka ee cabbiraya oo is khilaafaa ay ka mid tahay sababaha ugu waaweyn ee qofka looga qaato sawir ah in lagu kalsoonaan karin. Haddii aynu hore u soo nidhi waa in ereyada aad odhanaysaa ay noqdaan kuwo toogan, danaystenimo iyo xukunna aanu ku jirin, waxa aynu imikana ku daraynaa waa in luuqadda jidhkaagu bixinayo ee aan ereyada ahayna ay waafaqdo ereyada aad leedahay.

Haddaba Robin Dreeke waxa uu talo ahaan u soo jeedinayaa qodobbadan:

1. Waxaa ugu mudan waa in aad dhoolla caddayn muujiso, dhoolla caddayntu waa jid muhiim ah oo aad kalsooni ku curin karto.

2. Lafta gadhkaaga in yar hoos u dhig, (Afka ha taagin), adiga oo aan laabta ku dhejinayn, haddii aad inyar madaxa foorarisana waabay ka sii fiican tahay.

3.  Jidhkaaga oo dhan qofka ha wada qaabilsiin, waayo waxa ay u yara muuqataa weerar ama ugu yaraan waxa ay leedahay dareen qofku dhibsan karo, in yar gudub isu yara leexi marka aad qofka qaabilayso.

4. Marka aad hadlayso gacmaha kor u soo yara qaad, baabacooyinkuna dusha sare ha soo xigaan. Taasi waa astaan kale oo macnaheedu yahay, “Waan maqlayaa waxa aad leedahay. Waan u furfuranahay diyaarna u ahay waxa ay aragtidaadu tahay”

5. Anigu mar kasta oo aan doonayo in qof ay hadda isugu kaaya horreyso aan ku beerto kalsooni, waxa aan ku dadaalaa in aan tuso wanaag, furfurnaan, farxad iyo acsaab deggen oo dhammaantood aan ku muujinayo hab aan hadal ahayn. Waxa aan isticmaalaa in aan sunnayaasha indhaha kor u qaado, waa hab aad qofka ku dareensiin karto farxadda aad qabto iyo xasiloonida acsaabtaada.

Wax kasta oo diiqad iyo culays muujinaya, waxa aan ku muujiyaa in dibnaha oo xidhan aan aad isugu soo cadaadiyo ama in indhaha inta aan isku soo xidho aan isku cadaadiyo.

Cilmibaadhis ay sameeyeen khubaro ku xeeldheer cilmiga neerfayaasha ayaa sheegay in dhoolla caddayntu ay maskaxda ku beerto farxad iyo furfurnaan.

7. Sidee aad ula macaamili kartaa ruux aanad aaminsanayn:

Markaba colaad ha muujinin, si toos ahna is difaac ha u gelin: weydii waxa uu qofkani doonayo, iyo ujeedada uu sheekadiinan ka leeyahay. Robin Dreeke oo arrintan ka talo bixinaya ayaa yidhi, “Xaaladahan oo kale waxa ugu horreeya ee aan sameeyaa waa in aan ogaado ujeedada qofku leeyahay. Inta aan hadalka kale oo dhan joojiyo ayaa aan ku idhaahdaa, Ereyo badan oo wanaagsan ayaad igu soo tuurtay. Aad baad ugu xirfad badan tahay hawsha aad qabanayso. Laakiin waxa aan aad u doonayaa waa, in aad ii sheegto ujeedadaada. Waxa aad doonayso in aad gaadho ama hesho? Anigu waxa aan halkan u joogaa in aan ujeedada aan u socdo gaadho, laakiin ma diidani in qudhaaduna aad ujeedadaada gaadho. Markaa haddi iaad ii sheegto waxa ay ujeedadaadu tahay, waxa aynu helaynaa meel aynu wax ka wada bilowno, kadib waxa aynu eegaynaa in aynu wada ilaashan karno ujeedadeennaa laba geesoodka ah. haddii aynaan isla jaanqaadi karin oo aynu laakiin ogaanno in aynaan isla jaanqaadi karin iyada qudheedu waa ay fiican tahay.