Taliska Booliska Oo Xaqiijiyay Inay Saddex Nin U Qabteen Dil Toddobaadkan Dooxa Hargeysa Loogu Gaystay Wiil Dhallinyaro Ah

0
573

fadalHargeysa(Geeska)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay inay saddex nin u qabteen dilka wiil toddobaadkan goor fiid ah lagu dhex dilay dooxa weyn ee Hargeysa. Taliyaha Booliska sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa warkan u xaqiijiyay Wargeyska Geeska Afrika.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay inay saddex Nin u qabteen dilkaas, isagoo sheegay inay ku daba joogaan Nin afraad oo isna fakaday, kaas oo uu sheegay inay sida ugu dhaqsaha badan u soo qabanayaan, islamarkaana ay raadkiisa ku daba joogaan. “Falkaas waxa loo hayaa saddex nin, nin afraadna waa lagu daba jiraa.” Ayuu yidhi Taliye Fadal oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika.

Wuxuu Boolisku sheegay inay sida ugu dhaqsaha badan eedaysanayaashan u horgayn doonaan maxkamad dhagaysata dacwadda loo haysto.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa Alle haw naxariistee goor fiid ah lagu dhex dilay  badhtamaha dooxa Hargeysa habeenimadii khamiistii ee toddobaadkan, waxaanay dadka falka gaystay dilkiisa u adeegsadeen mindiyo iyo faashash.