Somaliland Oo Sheegtay Inay Qabatay Markab Hub Culus U Sida Cid Aan La Garanayn

0
568

kHargeysa(Geeska)-Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Somaliland ayaa baadhis ku wada markab ku sugan dekedda Berbera kaas oo sida hub kala duwan iyo gaadiid nooca dagaalka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa xaqiijiyay in markabkani sido hub ay ka mid yihiin Madaafiic, Beebayaal iyo gadiidka dagaalka, wuxuuna sheegay in haatan ciidamada Somaliland ay gacanta ku hayaan isla markaana baadhis ku wadaan.

Markabkan ayaa ku soo xidhay dekedda Berbera si uu ugu dejiyo alaab kala duwan oo uu u siday hase ahaatee Ciidamada Ilaalada Xeebaha ayaa ka warhelay in markabkan ay saaran yihiin hub aan ka muuqan Maanifeeska Markabka, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in markabkani sheegay inuu u socday dekedda Dubai hase ahaatee macluumaad badan lagama hayo meesha hubkani u socdo.