Wasiir Abgaal Oo Weerarkii Saldhiga Boorama Ku Eedeeyey Suldaan Waber

0
588

abgalHargeysa(Geeska):-Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Md:Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa ka hadlay koox aan la aqoonsan hayb-tooda oo rasaas habeenkii Jimcahu soo galayey ku riday saldhiga ciidanka booliska ee magaalada Boorama, waxaana uu weerarkaasi ku eedeeyey in uu ka danbeeyey suldaanka fallaagoobay ee suldaan Abubakar Cilmi Waber oo muddooyinkii danbe ku jiray duurka.Isaga oo sida oo kalena hanjabaado adag u diray Suldaan Waber, waxaana uu sheegay in aanu cidna ka aqbali doonin in reer Boorama laga baa’biiyo nabada ay ku naa-loo-nayaan. Md:Maxamed Jaamac Abgaal,ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay qaar ka mid ah warbaahinta uu kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu ugu horeyn sheegay in uu bulshada ku dhaqan magaalada Boorama ka tacsiyadaynaayo xabad uu sheegay in uu suldaan Waber la dul miyi. Wasiirka oo xafiiska wasaaraddiisa Hargeysa ku qabtay Shir jaraa’id ayaa sheegay inay talaabo ka qaadayaan Suldaanka iyo cida taabacsan ba “Waxaan ka tacsiyadaynayaa xabbadii habeen hore labadii iyagoo soo shaqaystay oo soo daalay Suldaan Waber la dul yimid, aad iyo aad anigoo uga xun ayaan runtii ka tacsiyadaynaya,waxaa muddo ku siman ilaa bil iyo badh,waxaa Suldaan Wabar ka soo yeedhayay hadalo uu ku sheegayay inuu reer Awdal ugu raadinayo xaq ka maqan, in uu xoraynayo iyo inuu Somaliland ka soo horjeedo, nasiib darro iyadoo aynu ogayn in marka horeba waxaasi ahaa khiyaali, waxaanay ku soo gabo gabowday, iyadoo 350-nin oo sheikh iyo Shariif-ba leh oo ay hogaaminayaan hogaanka dhaqanka iyo ugaaska guud ee Awdal ay shir ku leeyihiin degmada Geb ee Awdal, iyadoo la filayo in guud ahaan Somaliland, gaar ahaana Awdal uu anfici doono waxa ka soo baxa shirka Geb, inuu Suldaan Wabar kaligii xabbad u la waydaarto carruurtoodii raggaas dantooda ka shiraya”.Ayuu yidhi Md:Maxamed Jaamac Abgaal. Md:Maxamed Jaamac Abgaal oo ugu danbayn hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Carruurta ay hooya-dood u soo shaqaynaysay 18-saacdood, in labada saacdood ee hooyadood nasan lahayd ee ay seexan lahayd in Suldaan Wabar xabad la dul yimaado mid aanu aqbalayno maaha.Suldaan Wabar wuu ina Khaayimay,dadkii soo doortay ayuu khaayimay, Somaliland buu khaayimay, waxaanay xaaladdiisu maraysaa inuu dadkii maasaakiinta ahaa soo weeraro, waanu ka celinaynaa,mana aqbalayno"ayuu yidhi wasiir Abgaal.