Muuse Biixi Oo Bogaadiyay Socdalka Madaxweyne Silanyo

0
527

MUJAAHID-MUSE-BIIXI-CABDI1Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Musue Biixi Cabdi, ayaa bogaadiyay socdaalka uu Madaxweyne Siilaanyo ku maray gobalada wadanka ee uu shalay soo gunaanaday.

Md. Biixi, oo shalay u waramay warbaahinta, ayaa soo dhaweeyay safarkaas,

 “Waxaanu shirkan u qabanaynaa inaanu Xisbi ahaan,Qaran ahaan iyo Umad ahaanba Illaahayna ugu mahadnaqno,Weftigii Madaxweynaha iyo Safarkiisana hambalyo ugu diro.umaddii ka hortimid ee la shaqaysayna aanu hambalyo u diro. Waa wanaag inoo qabsoomay qaran ahaan, waa hawl aynu guusheeda leenahay.Madaxweynuhu wuxuu guttay hawshiisii distooriga ahayd ee hayd inuu Dalka maro,inuu xogogaal u noqdo, inuu wixii uu waxtari karana taro wixii kalena xog la soo noqdo.wuxuu ahaa Safar dheer oo wakhti adag ku beegmay oo weftiga iyo intii la socotayba ay u badheedheen, dadkuna ay si wanaagsan uga jawaabeen” ayuu yidhi.

Dhinaca kale Gudoomiye Muuse Biixi wuxuu difaacay Safarka Madaxweynaha oo Mucaaradku dhaliilo u jeediyay, waxaanu sheegay in Safarka Madaxweynuhu qorshaystay islamarkaana cidda uu doono la shirayo meesha uu doonana u hayanayo. Waxa uu sidoo kale ka jawaabay eedaha Mucaaradka ah ee ah in Meel walba Madaxweynuhu dhagax iyo ballan aan fulayn dhigayo “Arrinta ah dhagaxaan badan baad meel dhigaysaan, dee wixii aanu dhigno ma fulinay, mise lama fulin, haddii la fuliyo dee waa wanaag.markaas waxaanu eegaynaa intii dhagax la dhigay intee ka fushay, waanu tirinaynaa, haddii boqolkiiba todobaatan(70%) la fuliyay,dee waxa weeye qof qorshe dhigtay oo talaabo wanaagsan hore u qaaday oo 70% ama 80% fuliyay dee waa guul” ayuu Muuse Biixi Yidhi.

Hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa dhawr jeer sheegay inay dhamaystireen Qorshihii Bulshadu ku dooratay haddana waxay wadaan tahay Siyaaddo. Balse Mucaaradka ayaan aaminsanayn in Xukumadda Kulmiye wax ka qabatay arrimaha Bulshada ee dhinaca Biyaha,Caafimaadka iyo adeegyada kale ee Aaasaasiga ah.