Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Ansixiyay Miisaaniyada 2015

0
573

Picture1Hargeysa,(Geeska)-Xaldhibaanadda Golaha Deegaanka Magaalada Hargeysa ayaa Shalay ansixiyey miisaaniyadda sanadkan 2015-ka oo gaadhaysa lixdan bilyan oo Somaliland shillin.

KalFadhigii ee Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa waxa Shirgudoominayey Guddomiyaha Golaha Deegaanka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, waxaanu golaha uga warbixiyey miisaaniyadda sanadkan iyo mashaariicda horumarineed ee ku jira.

Sidoo kale, Xoghayaha dawladda hoose Mawliidi Waris Cabdilaahi,  xisaabiyaha dawladada iyo waaxda maamulka iyo xisaabaadka ayaa xildhibaanadda usoo bandhigay miisaaniyadda sanadkan iyo kharashka ku bixi doona horumarinta caasimadda oo ay ku jirto qalabkii lagu samayn jiray wadooyinka oo dawladda hoose soo iibsatay, isla markaana u samayn doonta shirkad dawladda hoose hoos timaadda oo ay u dhamaystiran yahay qalabka kala duwan ee wadooyinka lagu sameeyo.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa  Maxamed Aw Aadan Wayrax ayaa ka warbxiyey miisaaniyadda sanadkan iyo mashaariicda horumarineed ee ka jira, waxaanu tilmaamay in qorshaha sanadkan ee xaga horumarinada ay miisaaniyada ka tahay 43%, halka barigii hore ka ahaan jirtay 35$, waxa kale oo uu xusay in shirkad qalabkii dhismaha wadooyinku u dhamaystiran yahay loo soo iibin doonno, isla markaana ay ka maarmi doonaan qalabkii ay soo kireysan jireen oo kharash badani kaga bixi jiray.

Xildhibaan Maxamed Aw Aadan Wayrax oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi“Miisaaniyadan sanadkan waxaanu ka dhignay lixdan bilyan Somaliland Shiling, 47 Bilyan Somaliland shilling waa cashuurihii inooga soo gallay caasimadda, 13 ka kale waa wixii hay’adaha iyo dadweynaha ka qaybqaadanaya dhismaha wadooyinka iyo intii xukuumaddu inoogu dari jirtay, korodhka sanadkana waa toban Bilyan Somaliland Shilign”.

Waxaanu intaas ku daray “ Maanta (Shalay) Miisaaniyadan waxa ku jira qalab wax badan inoo tari doono kharash badan oo inagaga bixi jiray aynu ka raysan doono waa qalabka kala duwan ee wadooyinka lagu dhiso, waxaanay sanadkan dawladda hoose yeelan doonnta shirkad wadooyinka u samaysa, waxaanay qalabkaasi inoo imanaya ka kooban yihiin,Karashalkii wadooyinka lagu dhisi jiray, bardawsal, gaadhigii shaqaalaha qaadayey, booyaddii shiidaalka u qaadaysay, booyaddii Daamburka isku shubaysay, mishiinaddii Laydhka iyo qalab kale oo faro badan oo dhamaantood wada cusub oo noqoya shirkad gaar ah oo wadooyinka uun dhista oo meel gaar ah deggi doonta, marka qalabkaasi ina soo gaadho waxa kharash uun inagaga bixi doonnaa wuxu noqonaya shiidaalka, daamurka iyo kharashka shaqaalaha ka shaqayn doonna, waxaana ka raysan doonnaa kharash badan oo kireynta qalabkan inagga bixi doona, marka Hargeysa wadooyin ka ciiltirno ayey Wadanka intiisa kale ka qaybqaadan doona horumarinteedda,waanna wax qabad dhab ah oo golaha deegaanku yeelan doonnaa oo tobanka sanno ee soo socda ina anfici doonnaa, waanay  magaaladda u bedeli doontaa Hargeysa cusub waana qalab wada cusub oo aan baalli ahayn”

Intaas ka dib waxa Maayarka Hargeysa usoo jeediyey inay u codeeyaan miisaaniyadda, waxaana maayarku sheegay in kalfadhiga ay fadhiyaan 16 xildhibaan, isla markaana 14 u codeeyeen, hal mudane diiday mid kalana ka aamusay gudoomiyuhuna aanu codeyn.

Si kastaba ha ahaatee, mashaariicda horumarinta ku jirta sanadkan ayaa  waxa ka mid ah dhismaha wadadda Madaarka Tagta, Birishyo, wadooyinka 26, Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe loo samayn doono, maktabad loo samayn doono dugsiga Dayib Gurey iyo wadooyin badan oo dib u habayn loo samayn doonno.