Akhriste, Ma Ogtahay?

0
858

– In Qolfoofka Bani’aadamku uu ka kooban yahay 206 Lafood.

– In Shaygu haddii la geeyo cidhifyada dhulka uu ka culus yahay marka la geeyo dhul badhaha sababtuna waa; Wareegga dhulku waxa uu dheereeyaa marka uu ag marayo dhul badhaha marka loo eego xawaarihiisa cidhifyada dhulka.

– Ninkii ugu horreeyay ee sameeya Khariidada dunida ugu saxsanayd waxa uu ahaa Muslim u dhashay dalka Marooko oo lagu magacaabi jiray Muxammed Al-Idrisi kuna caan ahaa, Shariif Al-idriisi.

– Ninkii ikhtiraacay qalabka lagu kabo Jabniinka waxa uu ahaa As-Sahraawi waxaana lagu naanaysi jiray Aabaha Dhaawacyada ee dunida (Abi Jarraaxah).

– Ileyska Qorraxda ee aynu u aragno caddaanku waxa uu ka kooban yahay Toddoba mida oo ah, Casaan, Liimi (Orange), Huruud, Akhtar/Cagaar, Buluug, Buluug khafiifa iyo Soosali.

– Dr. Thomas ayaa sanadkii 1963-kii markii ugu horreysay dunidaba qof bukaan ah ku beeray Beer, laakiin intii ay howsha beeritaankuba socotay ayaa uu geeriyooday Bukaankii, mar labaad ayaa isla dhakhtarkani waxa uu ku guulaysta in uu Sannadkii 1967-kii uu Inan yar ku sameeyo qalniin uu beer ku gelinayey, laakiin waa ay suurtogeli weyday in ay ku noolaato wax ka badan hal sano ay dhimatay. Hadda si fudud ayaa dhakhaatiirtu ay ugu beeraan beerka dadku baahan yahay.

– Waxa la ogyahay in Saddex Meelood/laba ay dunida dusheeda biyo tahay, laakiin nasiib darro Boqolkiiba Saddex (3%) biyahaa ka mid ah ayuunbaa macaan, kuna habboon cabbitaan.

– Doontii ugu horaysay ee aan Shiraac ahayn (Mishiin ku socota) waxa ay badda dul martay 1816-kii waxana magaceeda la odhan jiray Prince Sharluti Vown.