Khabiir Ka Tirsan FBI Oo Ina Baraya Habka Ugu Fiican Ee Qofku Uu Isu Jeclaysiin Karo Ruux Ay Hadda Is Barteen

0
701

vfddWashington (Geeska)- Waa qaybtii labaad  ee taxanihii, Robin Dreeke oo 27 sano ka shaqaynayey dabeecadaha dadka uu kaga jawaabayey su’aalaha ah: Sidee ugu habboon ee uu qofku ku dhisi karaa xidhiidho kalsoonina dadka u gashan karaa? Haddii si cad oo fudud aan u dhigo, su’aashu waa, “Sidee ugu habboon ee aad dadka uga dhigi kartaa kuwo ku jecel?

Robin: Markaas oo kale waxa aan jecelahay in isla marka aan qofka ka maqlo hadallo aan si weyn ugu khilaafsanahay ama aanan fahmi karayn oo ay adag tahay in aan u sii adkaysto dhegeysigooda, waxa aan idhaahdaa, “Waaw. Waa arrin xiise leh, weligay sidaas oo kale uma’ aan maqlin. Bal hadda I fahamsii. Sided fikirkaas ku heshay? Ma’ aad xukumin suurtogal iyo suurtogal la’aan midka uu ku hadlayo laakiin waxa aad u dirtay in uu bal hadda caddeeyo sida ay suurtogal ku tahay, taas oo markaba qofka caqliga lihi dareemi karo in fikirkaas mid ka duwan oo xoog badani uu jiro ama waxaaba cidhiidhi ku noqonaya in uu difaaco fikirkiisa, oo waa qofkii oo aad isagii isu dirtay in uu isa saxo.

Daraasado cilmiga bulshada la xidhiidha ayaa daahfuray in dadka ay aad u farxad geliso in ay naftooda ka sheekeeyaan, xitaa cuntada iyo lacagta waa ay ka jecelyihiin kagana farxad badan yihiin.

In aynu nafteena ka sheekayno, marka ay tahay sheeko toos ah oo aynu qof la wadaagayno iyo marka ay tahay in aynu farriimo dhigno barkulannada bulshada ee internet ka sida facebook iyo twitter waxa ay inoo samaysaa dhadhan iyo ku raaxaysi nafsiya oo la mid ah kan ay maskaxdeenu dareento marka cunto ay u baahnayd la siiyo ama lacag ay hesho.

2. Jooji Anigada (Danaystenimada) si aad dadka isu jeclaysiiso:

Inteenna badani waxa aynu u dhimanaynaa bal in aynu raadinno oo kadibna farta ku fiiqno sida ay dadka kale u qaldan yihiin. Waana waxa dila xidhiidhka fiican.

Ma waxa aad doonaysaa in aad qofka saxdo? Ma waxa aad doonaysaa in aad dhibco dheeraato oo sheeko yar oo xariifnimadaada muujinaysa aad tiisa ka hor keento? Iska jir dhaqankaas. Dhegeyso waxa uu Robin arrintaas ka leeyahay, “In aad anigu tidhaahdo, oo qisada uu qofku soo qaadaba aad naftaada ku cabbirto ama mid aad leedahay ku xasuusataa waxa ay meesha ka saarayaan baahidii iyo doonistii aad u qabtay in aad kasbato qofkan aad sheekada la wadaagayso.

Waa in aad si badheedh ah indhaha uga lalisaa, doonista aadamaha ee ah in uu saxnaado dadkana saxo. Qof kastaa waa uu neceb yahay in shucuurtiisa dhabta ah uu cabudhiyo oo uu isk dhegeysto uun qof waxa uu leeyahay, fikirka uu qabo iyo ficilka uu samaynayaba uu kaga soo horjeedo. Laakiin aniguna waxa aan kuu sheegayaa in qofka oo la buriyo aragtidiisa, muran iyo doodna mar kasta laga horkeenaa aanay dhisin xidhiidhka fiican.

Khubarada cilmiga acsaabtu waxa ay caddaynayaan in, “Marka uu qofku maqlo hadal burinaya wax uu aaminsan yahay, in ay is xidho qaybta qiimaynta maangalka ee maskaxdiisu isla markaana maskaxdu isu diyaariso dagaal” La soco…