Somaliland Kama Maaranto Murashax Madaxweyne Oo MadaxBanaan

0
601

Picture3Waxaynu wada ognahay oo aan daah inaga saarnayn qaab dhismeedka salka u ah Xisbiyada dalka ka jira, oo aan lagu qanacsanayn barnaamujyadoda siyaasadeed, ee ujeedada dhaw iyo fog intaba, laguna helayn karin masiirka siyaasiga ah, ee dalka iyo dadka intaba, taas oo walaac hore leh ku abuurtay shacabka reer Somaliland. Sidaa darteed waxaan soo jeedinayaa si loo furfuro siyaasada cakiran ee dalka ka jirta, loona helo tartamayaal madax banaan oo dhadhanka ay siyaasada dalkeenu leedahay wax u bedela. Waa in Golayaasha Qaranku arintaas si mug leh u lafo guraan xalaaleeyaana, Musharixiintaa aan kor ku soo sheegay , horseedna u noqon karta inuu soo baxo hogaan dhab ah, taas oo Siyaasada dalka oo dhan sameeyn wanaagsan ku yeelan karta. Waxaana fariin u dirayaa Bulshada reer Somaliland wax garadkooda, Dhalinyaradooda iyo Odayaashooda, intaba inay rog rogaan ra’yigaygan aan Warbaahinta ku soo bandhigay

wasiirul dawlihii wasaaradda arrimaha dibada ee cahdigii Cigaal

Axmed Aw Aadan Cabdi