Xanuunada Jidhka Ku Dhaca Intooda Badani Waxa Ay Ka Bilaabmaan Afka, Nadaafadda Ayaana U Dawo Ah

0
580

Picture8Prague (Geeska)- Cilmi-baadhis caafimaad oo cusub ayaa caddaysay in tiro badan oo kamid ah xanuunnada ku dhaca jidhka bani’aadamku ay ka bilaabmaan dayaacaadda nadaafadda afka iyo iyada oo si joogto ah aan loola xidhiidhin dhakhtar ilkaha.

Xeel-dheerayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay sheegeen in jeermiska nadaafad darrada awgeed afka ugu dhashaa uu u gudbo qaybaha gudaha ee jidhka, taasina ay horseeddo xanuunno badan oo marka dambe loo caal waayo. Daraasaddan oo kaashatay khubaro cafimaad oo u dhashay dalka Czech ayaa tilmaamtay in caafimaadka qofku uu ka bilaabmo afka, taasna ay tahay sababta xanuunada intooda badan laga ogaado baadhitaanka dhareerka oo sida ay sheegeen ka muhiimsan kuwa laga baadho dhiiga.