Akhri, Oo Ha Qoslin

0
550

Hargeysa (Geeska)- Wargeyska Geeska Afrika waxa uu maanta akhristayaashiisa la wadaagayaan qormadan maadayska ah oo ah qiso carbeed oo ila qosol ah, una soo turjumay afka Soomaaliga:

Waxa jiray nin carbeed oo aad u bakhayl ahaa, Ninkan oo lagu magacaabi jiray Cusmaan Ibnu Daraaj, waxa uu si fiican isugu ogaa bakhaylnimada oo qisaska ka soo marnaa uu dadka maadays ahaan uga warrami jiray.

Qisaska uu Cusmaan Ibnu Daraaj ka sheekeeyey waxaa ka mid ahaa, “Maalin maalmaha ka mid ah aniga iyo inankayga oo meel wada taagan ayaa waxa lana soo ag mariyey Mayd. Jinaasada dadkii la socdau waxa ka mid ahaa gabadh aad u barooranaysa, waxa ay lahayd, “Waxa ay ku gaynayaan guri aan Furaash oolin, aan teed adag lahayn, aan rinji lahayn, guri aanay laxoox iyo biyo toona oolin…”

Inankaygii ayaa markii uu ereyadan gabadha barooranaysa maqlay inta uu I soo eegay waxa uu igu yidhi, “Aaboow, wallaahi gurigeenii ayaa ay tagayaan” wiilkani hadalladan gabadha waxa uu ku xasuustay gurigooda oo maadaama odaygu bakhayl ahaa aanu dhismihiisa qurxin, isla markaana uu kala bakhaylay gogol fiican iyo in uu dhigo cunto ka badan inta hadba markaas uun la cunayo. Laakiin gabadhu waxa ay u jeedday qabriga.