Sonkorta Ayaa Milixda Uga Badan Khatara Ah In Ay Sababto Dhiig Karka Iyo Cudurrada Wadnaha

0
643

Cilmi-baadhis cusub ayaa daahfurtay in sonkorta iyo guud ahaan mac-macaannadu ay khatar weyn ku keenaan caafimaadka qofka, xaaladaha ka dhashana waxaa ka mid ah dhiig-karka, cudurrada ku dhaca wadnaha iyo halbawlayaasha dhiigga, khatartaas ayaa ay daraasaddu ku sheegtay in ay ka badan tahay ta milixda ee ay cudurradani ka dhashaan, waxa aanay xustay in sonkortu ay tahay sababta koowaad ee dhimashada dunida horumartay keenta, isla markaana ay tahay sababta ugu khatartsan ee keenta cudurka dhiig-karka.

Daraasaddani waxa ay sheegtay in qofka dhiig-karka qaba oo milixda ka yareeya cuntadiisu ay leedahay faa’ido laakiin haddana ay ka yar tahay faa’idada iyo caddaymaha sugan ee loo hayo in sonkorta oo xataa ay ku jirto nooceeda loo yaqaanno Fructose ee sida dabiiciga ah ugu jirta khudraddu ay kaalin weyn ka qaadato kor-u-kaca dhiigga iyo cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga ku dhaca. Iyada oo ay sidaas tahay, haddana daraasaddani waxa ay hoosta ka xariiqday in cunista khudaarta ay ku jirto sonkorta dabiiciga ah ee Fructose aanay dhibaato weyn ku lahayn caafimaadka, waxa aanay caddaysay in milixda saayidka ah iyo sonkorta saayidka ah ee xanuunnada ugu badan keenaa ay yihiin ta ku jirta cuntooyinka warshadaysan, balse aanay la mid ahayn cuntada sida caadiga ah gacanta loogu sameeyo.