Maxamed Xaashi Oo Ka Hadlay Arrinta Suldaan Wabar Oo Uu Sheegay In La Buun-Buuniyey Iyo Taladiisa Ku Aaddan Xalka Ugu Habboon

0
470

Picture6Hargeysa(Geeska):-Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wada tashiga Somaliland, ayaa si adag uga hadley xaalada muddooyinkii danbe ka taagneyd gobalka Awdal oo suldaan ka mid ah madax-dhaqameedka gobalkaasi sida la sheegay uu ku dhawaaqay hadalo lid ku ah qaranimada Somaliland, waxaana uu sheegay in ay arrintaasi tahay arrin la buun-buuniyey isla mar ahaantana kaliya ah mid ku kooban ashkhaas gaara, waxaana uu xukuumada ugu baaqay in arrintaas daminteeda loo daayo madax-dhaqameedka ka soo jeeda gobalka Awdal oo maalmo ka hor ku dhawaaqay in ay soo gabo-gabeynayaan.

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay madasha wada-tashiga iyo axsaabta qaranku ku qabteen magaalada Hargeysa, kaas oo ay kaga hadlayeen arrinta ka xiisada ka taagan gobalka Awdal, waxaaana uu sida oo kale uu xukuumada ugu baaqay in mar haddii ciidamada meesha la geeyey ay yihiin kuwo aan loo baahnayn ay xukuumadu halkaasi dib uga soo qaado.

Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi, waxaa uu ugu horeyn uu ka hadley taariikhda soo jireenka ah ee reer Boorama ay ku leeyihiin dalka Somaliland, waxanaa uu sheegay in ay ka soo qayb qaateen dib u dhiskii qaranka curdinka ah ee Somaliland, isaga tilmaamay in gurmad ka sameeyeen waagii la bixinaayey Hawd reserve aria ee xiligii Ingiriiska,sida oo kalena ay qayb lixaadleh ka soo qaateen heshiiskii beelaha Somaliland ee dagmada Sheekh lagu qabtay waagii la unkayey qaranka Jamhuuriyada Somaliland. "Waxa weeyaan horta Boorama taariikh-baa ay leedahay xaga Somaliland, kolka laga soo bilaabo markii la bixinaayey Hawd reserve Area, gurmadkii ugu horeeyey iyaga ayaa sameeyey, heshiiskii Sheekh qeyb Lixaadleh ayaa ay ka qaateen, maalintii dhaweydna waad la socotaan sidii ay Odeyaashii ay u badbaadiyeen qaskii layna dhex dhigay. Markaa horta kolka aynu Awdal leenahay waxaa aynu isku qaadeynaa arrintii oo dhan. arrin nin iyo laba iyo xooga ku saabsan ayaa gobalkii oo dhan la odhanayaa reer Awdal oo jamaca ayaa aynu isaga baranoo reer hebeshaas ayaa dhibtu keenaysaa kolkaa waxaan ku soo gunaanadayaa waxa weeyaan Odeyaashii waa ay is xilsaareen baaqbaana ay soo saareen waxay yidhaahdeen arrintaa anaga ayaa gacanta ku qabanayna in loo daayo oo ay gacanta ku qabtaan oo iyaga looga danbeeyo ayaanu soo jeedinaynaa"Ayuu yidhi Eng:Maxamed Xaashi Cilmi

Maxamed Xaashi Cilmi waxaa uu sida oo kale uu xukuumada ugu baaqay in la sii daayo dadkii loo xidh xidhay xiisada hada ka taagan gobalka Awdal oo isagu jirey xildhibaano iyo sida oo kale dad shicib ah,waxaana uu tibaaxay in loo baahan yahay in arrinta hada ka taagan gobalkaasi ay u baahan tahay in sidii dhaqanka u ahayd Somaliland lagu dhameeyo wada hadal iyo wanaag. "Arrinta Labaad waxaan leenahay dadkii la xidh xidhey ee ay ku jireen xildhibaanadu ha la siidaayo, ta saddexaad haddii aan ciidamaba loo baahnayn in kolkaa halkeedii lagu celiyo oo ay sidaas ku astunaato, goor walbana waxaa wanaagsan Somaliland arrimaha soo dhex mara waxaa lagu dhameeya wada hadal iyo ka hortag kaliya oo ah wanaag ayaa lagu dhameeya yeynaan imika tii ka baxin ee wanaag halagu soo celiyo arrintii wada tashiga Salaadiintu wadaan ha lagu socdo oo ha loo daayo, guurtida iyo waxii lagu daraayo ee Odayaal ahna waa wax kale oo la samayn karo, laakiin arrintu meel aanay gaadhsiisneyn in la gaadhsiiyo maaha, waa wax kaliya ku saabsan koox se wax Awdal la yidhaahda meesha kuma jirto, kolkaa waxaan odhan lahaa waxaa loo baahan yahay miyir ayaa loo baahan yahay, dulqaadasho ayaa loo baahan yahay. Ciidamadan kolka marka loo diro rabshadaha iyagu samaynaayana oo ay dilba galayaan taasna looma baahna qas ayuunbay inagu keenayaan kolkaa miyir ha loo soo noqdo"Ayuu Maxamed Xaashi Cilmi. Ugu danbayntiina Eng:Maxamed Xaashi Cilmi, waxaa uu sheegay in aanay xukuumadu sas ka qaadin marka ay arragto iyada oo ay laba ama saddex qof ay israacaan, waxaana soo jeediyey in xiisada gobalkaasi la qaboojiyo. "Waxaanu leenahay xukuumada saskan ay ka sasayso haddii ay saddex nin israacaan ha iska dayso, dulqaadbaa laga filaayey, waxaa laga filaayey in ay wax wanaajiso, in ay toosiso arrimaha qaloocda ayaa laga filayaa, kolkaa waxaan odhan lahaa arrinta ha la qaboojiyo, odeyaashaasna taladoodana ha la qaato, waxii kale ee loo baahdana waa la arki doona"Ayuu yidhi Eng:Maxamed Xaashi Cilmi.