“Beel Anigu Murashax Uma Ihi Ee Waxa Aan U Ahay Somaliland Oo Dhan, Markaa Shacbiga Dalka Oo Dhan Ayaan Codka Ka Rabaa, Beel Yar Oo Kooban Kama Rabo”

0
493

Picture7Hargeysa(Geeska):-Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay go’aan ay gudida horumarinta beesha Sacad Muuse ay murashaxa xisbiga KULMIYE ee beeshooda dhexdiisa ay u doorteen Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu tilmaamay in uu yahay wasiir qaran oo aanu ahayn wasiir beeleed, isla mar ahaantaana qofkii doonaya in uu dalkan madaxweyne ka noqdaa ay u furan tahay in uu hababka axsaabta badan ee qaranku uu leeyahay uu ka tartamo.

Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu warbaahinta ku la hadlaayey madaarka Hargeysa, kadib socdaal uu kaga soo laabtay dalka dibadiisa, waxaana uu carabka ku dhuftay in uu yahay murashax u taagan jagada madaxweynenimada ee dalka ka dib marka uu madaxweyne Siilaanyo talada dalka ka dego.

"Horta waxaad ogaata anigu wasiir qaran ayaan ahay ma ihi wasiir beeleed dalkana waxaan u imi in aan hawsha wadanka uu leeyahay ee dibada ku lug leh ee citiraafkeeda, horumarkeeda iyo dhaqaalaheedaba ka hawl galo, nin beel ka soo jeeda ma ihiyee waxaan ahay wasiir weyn oo culus oo arrimaha dibadda ah oo reer Somaliland u shaqaynaaya arrimaha yar ee beelaha ee hooseeyaana aad iima khuseeyaan”Ayuu yidhi Md. Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi, “Markaa waxaad ogaataa dee aniga sida ay iigu muuqato wadanku hore ayaa uu u maray axsaab ayeynu samaysanay, axsaabtaana waxaa loo samaystay in lagu tartamo, gole dhaxe ayaa jira qof Alle iyo Allaale qofkii doonaya in uu doorasho u cararo Somaliland xisbigaa halkaa taagan, ayuu ka dhex cararayaa, beelina wax ma goyso beelina anigu murashax uma ihi ee waxaan u ahay Somaliland oo dhan, waliba waxaan murashax ahay marka uu madaxweynahu uu hawshisa dhamaysto, dabadeed markaa shacbiga reer Somaliland oo dhan ayaan codka ka rabaa beel yar oo kooban kama rabo" Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland.