Garab ka Mid Ah Guddida Iyo Salaadiinta Sacad Muuse Oo Ka Soo Horjeestay Codkii Xubno Ka Mid Ahi Muuse Biixi Ku Cugteen

0
601

Hargaysa(Geeska)-Garab ka mid ah Guddida Horumarka Beesha Sacad Muuse, ayaa qaadacay, waxba kama jiraanna ku tilmaamay go’aankii ay hore 14 xubnood oo guddida ka mid ahi ku ogolaadeen in Md. Muuse Biixi noqdo murashaxa haysta taageerada beesha ee xisbiga Kulmiya uga dhex loolamaya murashaxnimada madaxweynaha beddeli doono madaxweyne Siilaanyo. Xubnahan ayaa sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi aanu ahayn Murashaxa Madaxweyne ee Guddida horumarka Beeshu ay isku raacday.

Guddida Horumarka Beesha Sacad Muuse oo ka kooban 25-xubnood ayaa shir ay doraad isugu yimadeen ay 14 ka mid ahi ku shaaciyey in Guddida iyo Salaadiinta Sacad Muuse ay isla qaateen in la kala saaro Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, oo muddooyinkii u dambeeyey uu u dhexeeyey loollan adag oo la xidhiidha midkooda noqon doona murashaxa Madaxweyne ee beesha taageerada buuxda ka haysta.

Xubnahan shalay warbaahitna la hadlay oo iyagu goob joog ka ahaa shirkaas doraad balse badankoodu ay shirkaas go’aankiisa ka dareereen halka kuwa kalana ay diideen in ay codkooda caddeeyaan ayaa sheegay in la jebiyey qaar ka mid ah qodobadii lagu soo heshiiyey shirkii Hoodaale ee ay beeshu Agabar ku qabsatay, oo ahaa in guddida waajibka saaran iyo shaqadeedu tahay horumarka Beesha, waxa aanay khalad ku tilmaameen in ay guddidan horumarintu siyaasad faraha la gasho ama ay kala xigtaysato saddexdan masuul ee beesha ka soo wada jeeda.

Guddidan ayaa sidoo kale tilmaamay in aan loo dirsan, hawshoodana aanay ahayn inay kala saaran Saddexdan Masuul oo ay caddeeyeen in ay ku kala bixi karaan oo keliya xisbiga Kulmiye dhexdiisa.

Abshir Maxamed Warsame oo isagu ka mid ah Guddida Horumarka Beesha Sacad Muuse, oo ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Intayadan Runtii waxa na kulmisay gaarna aanu iskugu soo raacnay waxaanu nahay Guddidii diiday arinkii jujuubka ahaa ee dhalinyarada dhabarka la soo taabtay ee lagu doonayay in loogu codeeyo saddexda musharaxa ee Beesha Sacad Muuse leedahay,waanu ka dareernay annaga oo eegayna inaanay Magac xumo naga raacin. Annaga waxaa naloo dirtay horumarin lakiin lanooma diran siyaasada inaanu faro galinno,waxaanu baaq u diraynaa Gows Danbeedka beesha Sacad Muuse, Salaadiinta Wax-garadka oo aanu leenahay, Maanta Bad-baadiya Beesha cid aanu anagu ku dooranay Codna ma jirto”

Abshir Maxamed Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaan nahay Guddidii lagu soo doortay Shirkii Hoodaale waxaana na soo doortay todoba Boqol iyo Konto Nin,annaga waxa nalagu soo magacaabay oo nalagu soo doortay horumarinta, reerku saddex Siyaasi ayaa ay leeyihiin iyagu ma kala saari karaan ee lakiin waxa kala saari kara xisbiga Kulmiye ee ay ka tirsan yihiin. Codkaas la galiyay annagu ma ogolin mana aqbalayno cid dhabarka lasoo taabtay in ay kala jabiso Beesha Sacad Muuse.

Muuse Biixi, Samaale iyo Maxamed Yoonis u kala eexan mayno maanta, cod kaas la galiyay Magaca Beeshu wuu ku dhintay gudidayadina siyaasada ayay isku badashay”.

Dr Axmed Cabdi oo isna ka mid ah Guddida Horumarinta Beesha Sacad Muuse oo Shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in go’aanka ay soo saareen Garab ka mid ah Guddida uu ka tirsan yahay uu khalad ahaa, waxaanu yidhi   “Markaanu aragnay inaan waxbaa dheg loo dhigayn, markaanu aragnay in dad dano gaar ah lihi ay jujuub wax ku doonayaan. Wixii Warbaahinta la galiyay ee lagu sheegayay in hebel intaas u codaysay hebelna intaasi diiday waa been cad cid codaysay ma jirto,waxaanu leenahay odoyaasha Beesha haddii la doonayo inuu Shirkaasi sii noolaado hala dhex galo guddida Beesha, wixii ay Guddidu soo saartayna cafis buuxa ha ka keento”.

Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah Culimada dalka ugu waaweyn, isla markaana ka mid ah guddida Horumarka Sacad Muuse oo shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa talooyin ka soo jeediyey, waxaanu ku baaqay in Siyaasada faraha laga qaado, oo Guddidu ay ka shaqayso horumarka reerka, waxaanu yidhi “Anigu shirkii Hoodaale maan tagin, aniga oo u sii socda Xajka ayaa la ii sheegay in la igu daray Guddida Horumarka Beesha, waxaana la ii sheegay in arimaha Siyaasada aanay shaqo ku yeelan doonin, ee Horumarka Beesha inay ka shaqayn doonto Guddidani, sidaas ayaana kaga mid noqday, Guddiduna inay hadda Siyaasada faraha la gasho maaha, markaas anagu madaama aanu ka mid nahay Culimada dalka, Guddidana ku jiro waxa aan soo jeedinayaa in xaalada la dejiyo, oo Musharaxnimadu Guddida iyo Reerka uma taalo ee waxa ay u taala Xisbiga Kulmiye, oo Xisbiga oo qudha ayaa kala saari kara”

Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali oo isna Guddidan ka tirsan oo Shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa hadalkiisi ku bilaabay  “Guddidi ahaan arinka la leeyahay Muuse Biixi ayaad codka siiseen mid annag guddi ahaan naga soo go’ay muu ahayn, laakiin waxa uu ahaa arin hoosta nalaga soo galiyay oo nalagu dhex tuuray, intayadan halkan fadhida iyo in kale oo maqan waxaanu runtii arinka lagu dhawaaqay u arkaynay mid fool xun, waxa kalsooni ah oo ay Saddexda Masuul soo bandhigeen may jirin, waana wax cid walba ka xumaatay sida loo maamulay”.

Cumar Boobe oo ka mid ah Guddidan oo  ka mid ah labadii Xubnood ee ka aamusay markii codka loo qaaday Saddexda Murashaxa, ayaa soo jeediyey inay wacan tahay in la isku tanaasulo, waxaanu yidhi “Anigu waxaan leeyahay wax kasta wax wanaagsan isku tanaasul iyo isku soo dhawaansho,aniguna ka tanaasuli maayo inaan ka hadho inaan markasta isku soo dhaweeyo Guddida Beesha Saalaadiinta iyo Cuqaasha Beesha, waxaanan leeyahay Shanta Sanno ee Madaxwayne Siillaanyo aynu u dhamayno keena danbena aynu talo qaran ka yeelano.

Markii codka la qaadayey Aniga iyo Sheekh Almis ayaa ku soo hadhnay, Guddidana waa ay ka soo dareereen Shirka, waxa markaas bilaamay in codka loo qaado Muuse Biixi, Cabdicasiis Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis, Muuse Biixi waxa u codaayey 14-xubnood, Cabdicasiis Samaale-na cidi may u codayn, Maxamed Biixi Yoonisna hal ayaa u codayey, aniga iyo Sheekh Almisna waanu ka aamusnay, oo midna maanu u codayn, laakiin aniga iyo Sheekh Almisna ka aamusi mayno in aanu wax isku soo dhaweeyno, oo aanu isku soo jiidno”.

Sheekh Almis Siciid Xaaji Yaxye oo isna ka mid ah Culimada dalka, Guddidana ku jira ayaa

ayaa si adag u dhaliilay Guddida uu ka mid yahay ee  Muuse Biixi murasharaxnimada u dooratay, waxaanu xusay in aanay haboonayn in loo kala hiiliyo saddexda masuul.

Dhinaca kale qaar ka mid ah Madax dhaqameedka iyo Salaadiinta Beesha Sacad Muuse oo iyana Shir jaraa’id ku qabtay Shalay isla magaaladan Hargeysa ayaa iyaguna dhankooda waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankaas Garab ka mid ah Guddidu ay Muuse Biixi Cabdi ugu doorteen Murashaxa Madaxweyne ee Beesha.

Salaadiintaas Shirka jaraa’id qabtay oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Xasan Suldaan Nuur Askar, Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele, iyo Salaadiin kala ayaa sheegay in wax laga xishoodo ay tahay in Guddida horumarka Sacad Muuse siyaasad faraha la gasho, oo siyaasiyiinta Beesha si cadaalada ka fog ugu kala hiiliso, waxaana ay sidoo kale dhaliilo u soo jeediyey salaadiintii go’aankaas taageeray, oo ay sheegeen inay cimaamadii ka dhacday, oo dhex dhexaadnimadii ka tageen.