Asaaskii Naadiga Akhriska Hargeysa: Inta Aan Ka Ogaa!

0
614

Picture4Maxamed Ibraahin Sheekh Cali ayaa ila soo hadlay goor gellin danbe ah, ma xasuusto taariikhdii iyo maalintii midna. Hawl igu cusub oo aanan hore u maqal ayuu ballanteeda i siiyey, waxaanu farriin iigu dhiibbay isna Yuusuf Cismaan Cabdi (Garas). Gellin danbe maalin Jimce oo bishuna ay April ahayd, sannadkii 2006-dii, ayaanu ku kullannay qolka shirarka ee Machadka Tababarka Macallimiinta oo ku yaalla meel waqooyi kaga beegan Maansoor—dhismaha Machadka waxa immika dheegga ku haya gurigii ugu horreeyey ee lagu bilaabay Jaamacadda Admas. Waxa kulankaas goob-joog ahaa Maxamed Ibraahin Sheekh Cali, Mustafe Maxamed Khayre, Ilhaam Sheekh Muuse Axmed, Cumar Abiib Muxumed, Yuusuf Cimsaan Cabdi (Garas), Cabdikariin Xasan Ismaaciil (Qurusdoon), iyo aniga. Marka laga reebo Ilhaam iyo Mustafe oo aanu iyaga isku waji cusbayn, ragga inta kale isku arday ayaanu ahayn.

Cumar Abiib ayaa ugu horrayn sharraxaad ka bixiyey sababta kulanka, isaga oo sheegay in sababta isu-imaatinku ahayd in laga tashado sidii loo yagleeli lahaa "NAADI" lagu waddaago buugaagta la akhristo, oo halkii ay qofka kaga koobnaan lahayd keligii, lasoo casuumo tiro dad ah oo hore loo ballamiyey, deetana qofkii buugga soo akhriyey laga dhegaysto falanqayntiisa, su'aalo la weydiiyo, isla markaana ay dhegaytayaashu ka dhiibtaan faallooyinkooda ku wajehan mawduuca buugga. Sida uu sheegay Cumar waxay ahayd arrin ku cusub waddankeenna, laakiin dunida kale laga yaqaanno, gaar ahaan waddamadda Carabta oo uu tusaale u soo qaatay. 

Yay ku soo dhacday fikradda odhanaysa naadi wax-akhris ha laga abbaabulo waddankeenna, gaar ahaan Hargeysa? Sida uu maalintaas Cumar Abiib ama Maxamed Ibraahin midkood faahfaahiyey, Maxamed Maxamuud Cawaale, Cumar Abiib Muxumed iyo Mustafe Maxamed Khayre ayaa arrinta markii ugu horraysay ka wada sheekaystay. Natiijaddii sheekadaasina waxa ay noqotay in ay akhyaartaasi isku afgarteen in ay la wadaagaan fikraddaas qaar ka mid ah dhallinta ay biddayeen in ay isku dareen yihiin, ballantanina sheekadaas ayay daba socotay. Xog dheeraad ah kama hayo wixii maalintaas aanu kulanka isugu nimi ka horreeyey. Sidaas awgeed xasuustaydu waxa ay ku kooban tahay Jimcahaas aanu sida "rasmiga" ah u kulannay iyo dhacdooyinkii ka danbeeyey.
 Waxyaabihii ugu horrayn laysla eegay waxa ka mid ahaa in nidaamka lagu kulmayaa noqdo Naadi ee aanu noqon Urur, iyada oo la tixgelinayo tamarta iyo wakhtiga oo aan dammaanad qaadi karayn hawl culus. Naadigu waxa uu kaga duwan yahay ururka in aanu lahayn qaab-dhismeed tigtigan. Shaqada ugu weyn ee la qabanayaa, waa in tiro dad ah la soo casuumo, loona diyaariyo fadhi iyo cabbitaan. Ma hubo in aanu isla habeenkaas ka hadalnay qaab-dhismeedka Naadiga. Waxa se la soo jeediyey laba magac oo uu midi ahaa Hargeisa Readers Forum iyo kan kale oo ahaa Hargeisa Readers Club. Cumar Abiib ayuu ahaa ninkii magaca danbe sida xooggan u difaacay, iyada oo doodiisu ahayd in magaca Forum ay badan tahay qaadashadiisu, sidaas awgeedna loo baahan yahay magac cusub. Aniga Club-ku ilamuu dhan-dhan wanaagsanayn, oo waxaan ka jeclaa Forum, laakiin waa layga batay. Aakhirkii waxa la qaatay magaca Hargeisa Readers Club.

Markii aanu habeenkaas ka soo rawaxnay kulankaas ee aanu aniga iyo Yuusuf soo carrownay, iimay caddayn wixii aan maanta ka hadlaynay in uu yahay wax socon kara iyo in kale. Iskaba dhaaf Naadi wax akhriyee, aragtiba kamaan haysan xitaa sida ay u shaqeeyaan ururradu. Haddal dheer oo tirada ka badan ayaanu ku sheekaysannay aniga iyo saaxiibkay, waxse aan hadda ka sheegi karaa aanu jirin, taas oo ay keenaysay gagabka aragtida cusubi. Lama sii saadaalin karayn sida uu u shaqayn karo wax ciiddaba ku cusubi.

Si aragtiyaha loo hufo, hal tallaabana hore loogu qaado, waxa la ballamay Jimcihii kaas ku xiggay. Ma filayo, haddii aanan khaldanayn, in xubnuhu intii Jimcihii hore soo xaadirtay ka badnaayeen, mana filayo in ay ka yaraayeen. Salaad maqrib ayaanu ku soo tukannay isla Machadkii, labadii hawlood ee ugu muhiimsanaa ee noo qabsoomayna waxa ay ahaayeen in aanu dooranno Isu-duwe iyo Kaaliye Isu-duwe (Coordinator and Assistant Coordinator), iyo arrinta labaad oo ahayd in aanu xulanno buuggii koowaad ee la soo bandhigi lahaa. Buuxinta jagooyinku waxa ay ku dhacday cod qarsoodi ah, qof welibana waxa uu warqad yar ku qoray labada qof ee uu u kala dooran lahaa labadaas jago. Isu-duwe waxa loo doortay Maxamed Ibraahim Sheekh Cali, Kaaliyena Cumar Abiib Muxumed. Waxaan filayaa in ay bisha April maalintaas ahayd dabayaaqo, yacnii 20 ama wixii ka danbeeyey, mase hubo.
Buuggii ugu horreeyey ee aanu doorannay waxa uu ahaa buugga “The Clash of Civilizations and the Remaking of World Order” oo uu qoray Samuel Huntington oo markii ugu horraysay maqaal ahaan ugu soo baxay joornaalka Foreign Affairs xagaagii 1993-kii. Aniga ayaa doortay in aan buuggaas oo aan maalmahaas akhriyaayey soo bandhigo. Doorashada buugga waxa igu kallifey buugga oo aan doodiisa asaasiga ah u arkaayey (maalintaa) mid xaqiiqadda u dhow, iyo dabcan isaga oo u qornaa si qurxoon oo ku soo jiidanaysa haddii aad xiisayso xidhiidhka u dhaxeeya dunidda Islaamka iyo ta Galbeedka. Qodobaddii kale ee uu kulankaasi isla qaatay ayay ka mid ahaayeen in buugga ama maqaalka la akhriyo la soo koobo isla markaana loo turjumo Af-Soomaali, si loogu daabaco jaraa’idka maxalliga ah.

Bandhiggii ugu horreeyey waxa uu noo qabsoomay habeen Jimce ah, bishii May 26-keedii, 2006, waxaanu ka dhacay isla Machadka Tababarka Macallimiinta. Dhammaan xubnihii naadiga ee wakhtigaasi goob-joog ayay ahaayeen habeenkaas, dadka kale ee wakhtigooda nagu soo sharfayna kamay badneyn 20 illaa 30 inta u dhaxaysa. Shakhsi ahaan maan soo casuumin asxaab badan, oo waxa weli shaki igaga jiray muuqaalka ka soo bixi kara bandhigga, kalsooni badanna maan qabin. Nasiibwannaag muu noqon kulan fool xun, balse marka la eego habka loo agaamisay iyo jawiga uu ku qabsoomay, waxa uu horseeday in lagu dhiirraddo in hore loo sii socdo. Isla Salaasadii xigtay, 30-kii May, 2006 waxa uu maqaalkii oo Af-Soomaali lagu soo koobay ku soo baxay cadadkii maalintaa ee wargeyska Geeska Afrika. Magacii Naadigu waxa uu noqday mid garashadiisu ay dhaafsiisan tahay intii ay xubnihiisu ahaayeen. Magac cusub iyo sheeko cusub oo in badan oo wax akhriska jeclayd ay la soo boodeen "Walaahi baryahaasba waan tabaayey naadi noocan oo kale ah" ayay natiijadii noqotay. Maanta magaca Readers Club Hargeysa kuma koobna, yagleelka naadiyada ka danbeeyay iyo hanaqaadkooduba wuu ka heer sarreeyey sidii uu ku bilaabmay Hargeisa Readers Club. Naadiga Hargeisa Readers Club waxa ay dadku ku war heleen uun isagoo guurguuranaya. Socodbarashadiisiina may xumayn.

Jimcihii xigey ayaanu mar kale isugu nimi isla Machadkii, si bal aanu u qiimayno bandhiggii koowaad wixii la khalday iyo wixii la saxay labaddaba, waxna looga barto si bandhigyadda danbe loo sii wanaajiyo. Qiimaynta kulankii koowaad may liiddan, waxaana mar labaad la xushay buug kale “Lords of Poverty” oo bisha soo xigta la soo bandhigo, balse markii danbe uu Maxamed Ibraahin ku beddelay laba maqaal oo Soomaaliya ay ka qortay International Crisis Group. Waxa ay maqaaladu ka warramaayeen xaaladda ururadda Islaamiga ah ee Soomaaliya, waxaanu bandhiggu ku salaysnaa siyaasadda Geeska oo wakhtigaas ay Midowgii Maxaakiimta Soomaaliya warbaahinta haysteen. Kamay madhnayn doodda bandhiga in wax layska weydiiyo saamaynta uu isbedelkaasi Somaliland ku yeelan karo. Tiradda kasoo qaybgalayaashu way ka badnaayeen kuwii soo xaadiray kulankii koowaad, waxaana caddaatay in Hargeisa Readers Club ay dadku, gaar ahaan dhallinyaradu rag iyo haweenba, si kal furan ku soo dhaweeyeen. Kulankaasi waxa uu ka dhacay xarunta Akaademiyadda Nabadda iyo Horumarka dabayaaqadii bishii June, 2006.
Intii aannaan qaban bandhigii saddexaad, waxa waddanka ka dhoofay labadii hawlwadeen ee Naadiga, Cumar oo Imaaraadka u dhoofay iyo Maxamed oo wax yar ka danbeeyey oo Suudaan ugu laabtay tacliin korodhsi. Intii aanu Maxamed dhoofin ayaanu dooranay buuggii saddexaad, kaas oo Ilhaam Sheekh Muuse aanu dusha ka saarnay Diiwaankii Maansada Cabdilaahi Suldaan oo uu urruriyey Boobe Yuusuf Ducaale. Ilhaam waxa ay ka jeclayd in ay soo jeediso Halkaraan, laakiin buugga Boobe oo maalmahaas soo baxay iyo qoraaga oo aanu qudhiisa soo casuumi karaynay, si uu isna u arko waxqabadkiisii oo dhallinyaro falanqaynayso, ayaa horseeday in aanu Ilhaam ka codsanno in ay Diiwaanka soo akhrido. Hadafka ugu weyn ee go'aankaasi waxa uu ahaa in aannu kasbanno aqoonyahanka la yaqaanno ee Boobe ka midka yahay. Kulanka buugga lagu doortay waxa uu ka dhacay xafiiskii hore ee SONYO, waxaana guddoominayey Maxamed Ibraahin.

Kulan danbe ayaanu maalmo ka dib isugu nimi xafiiska hadda ee SONYO oo maalmahaas uun la degay. Maxamed ayaana xilkii wareejiyey intii aanu dhoofin, waxaana labadii jago loo kala dhiibay aniga oo Maxamed baddelay iyo Ayaan Muuse oo halkii Cumar buuxisay. Isla kulankaas ayaa laysla soo qaaday in loo baahan yahay in xubin gabadh ah lagu soo daro Naadiga si loo dheelitiro iskudhafka ragga iyo haweenka, isla markaana loo helo cid beddesha xubnaha dhoofay. Ayaan Muuse ayaana soo jeedisay in Nimco Maxamed Faarax ay xiisaynayso in ay Naadiga ku soo biirto. Iyada oo aannaan hore ula kulmin, ayaa cod aan loo kala hadhin lagu oggolaaday xubinnimada Nimco. Ayaan Muuse, Maxamed Ibraahin, Mustafe M. Khayre, Yuusuf C. Garas, Ilhaam Sheekh Muuse, Cabdikariin Xasan Ismaaciil iyo aniga ayaa xaadir ahaa galabtaas. Maanta Naadigu waxa uu ka kooban yahay xubnaha hore ee aan magacyadooda soo sheegay iyo Mustafe Aadan Nuur, Maxamed Daahir Xasan, iyo Khaalid Jaamac Qodax, oo iyagu Nimco ka danbeeyey. Mustafe Adan, Khaalid Qodax iyo Maxamed Daahir waxa ay si firfircooni leh uga qayb qaateen bandhigyada uu Naadigu qaban jiray, waxaanay ahaayeen saddexdii dhallinyaro ee ugu horreeyey ee iyaga oo aan Naadiga ka mid ahayn soo bandhiga buugaag. Waxa kale oo Naadiga mar danbe ku soo biiray Cabdilaahi Maxamuud Ibraahin (Beershiya), Xamse Cabdiraxmaan Khayre, Cumar Cabdi Guuleed, iyo Maxamed Yaasiin Xasan. Magaca Naadigu marba marka ka danbeysa wuu sii koraayey, waxaanu helaayey hambalyo ka ballaadhan inta ay is leeyihiin xubnihiisu hawl waad geliseen. Se kulan kasta oo uu Naadigu la yeesho qof muhiim ah oo bulshadda ka tirsan, gaar ahaan aqoonyahanka, farriimuhu isku mid ayay ahaayeen, kuwaas oo ahaa meel meeshan ka wanaagsan ayaad gaadhi karaysaan, wax intan ka baddanna waad qaban karaysaan ee hawsha ballaadhiya. Sharraxaad dheeraad ah iyo hoos iyo hal-hays kale ayay u baahan tahay in wax laga yidhaa sababta dib noo haysay.

Cabdiraxmaan Sheekh Xasan  (Musaabaqo) – 2014

Email: musaabaqo@gmail.com

Hargeysa, Somaliland