Gudd. Ku Xigeenka WADDANI Oo Cabasho Ka Dhan Ah RRU U Gudbiyey Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka UK

0
473

WarHargeysa(Geeska):-Guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Axmed Muumin Seed oo ay wahelinayso agaasimaha xarunta dhaxe ee xisbiga WADDANI Marwo: Yaasmiin Cali Raygal, ayaa kulan la qaatay xildhibaan Clive Betts oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka dawlada Ingiriiska uga soo baxay magaalada Sheffeild.

Guddoomiye ku xigeenka WADDANI Md:Axmed Muumin Seed iyo Marwo:Yaasmiin Cali Raygal oo muddooyinkii u danbeeyey socdaal ku joogay wadanka Ingiriiska,ayaa kulankan waxaa ku wahelinayey Maxamed Ciise oo ka mid ah xubnaha xisbiga WADDANI ee gudida arrimaha dibada iyo xubno kale oo muhiim ah.

Md. Axmed Muumin Seed kulankan uu laqaatay xildhibaanka waxaa ay si xooga ugala  hadleen ciidamada RRU-da oo ay  warbixintooda ugu sheegeen in loo adeegsado sifo aan ahayn tii loo abuuray, waxaana ay carabka ku dhufteen in loo adeegsado xadhiga dadka shicibka ah, xildhibaanada dhaliila hanaanka ay u socoto xukuumada jirta, iyo sida oo kale dadka magaca ku dhex leh bulshada Somaliland.

Waxaa kale oo ay kala hadleen arrimo khuseeya dhinaca doorashooyinka iyo sidii ay wakhtigii loogu talo galay ugu qabsoomi lahaayeen, waxaana ay sheegeen in hada ay walaac xoogan ka qabaan in ay guurtidu ay doonayso sidii ay muddo kordhin ay ugu samayn lahayd xukuumada hada jirta.

Dhanka kale xildhibaan Clive Bettsoo ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa uga mahad celiyey guddoomiye Axmed Muumin Seed warbixinta buuxda ee uu ka siiyey xaalada guud ee dalka, waxaana u halkaasi balan qaad ugu sameeyeen in daba-gal uu ku samayn doonaan sababta ciidanka RRU-da ee lagu bixiyo cashuurta Ingiriiska loogu adeegsado sifo ka baxsan shaqadii loo abuuray.

Ugu danbayntiina waxaa labada dhinacba ay isla soo hadal qaadeen sidii looga wada shaqayn lahaa xidhiidhka kor u qaadida xidhiidhka soo jireenka ah ee wadanka Ingiriiska iyo Somaliland.