“Waxaan Leeyahay Reer Khaatumo Nin Naga Saaqiday Ayaad Taageerteen Ee …”

0
432

Picture2Borama (Geeska)-Cuqaasha, Odayaasha iyo Madax dhaqameedka  beelaha Maxamed Case ee Samaroon, oo ka kala yimid Shan Degmo oo Gobolada Galbeedka Somaliland ah ayaa waxa ay kaga xog warameen xaalada dalku ku jiro hada iyo shiqaaqada ka jirta Gobolka Awdal.

Kulan ay  Odayaasha beelaha Maxad-Case oo ku qabsadeen Shalay  Haldor Hotel  ayaa waxa ay meesha ka saareen isla markaasina ay ganashanka  ku dhufteen Suldaanka la sheegay inuu ka goostay Somaliland, waxaana ay xuseen in aanan Maanta loo baahnayn in ay Caaqil Saxane, ayaa ugu horayn halkaasi ka hadlay waxaanu faahfaahiyay aas aaskii Jamhuuriyada iyo kaalintii ay ku lahaayeen reer Awdal waxaanu yidhi “Hortaba gooni isku taagii Somaliland Raggii ku dhawaaqay waxa ay ahaayeen reer Awdal waxa ka mid ahaa Suldaan Maxamed Jaamac Samater, Suldaan Guray iyo Sheekh Muuse Jaamac Godaad,  sidaasi darteed ma khilaafi karno Maanta, Somalilandna waa muqadas.".

 Intaasi kadib ayaa Caaqli Saxane waxa uu xusay in ciidamadu ay yihiin ciidamada Dalkeena  meelkasta oo rabshado ka jirtona ay waajibtahay in ay xasiliyaan oo aanay ahayn kuwo shisheeye ah ku waasi oo dal kale laga keenay .

Caaqil Daahir Cismaan oo isaguna kulankaas ka hadlay ayaa waxa uu xusay in Somaliland aanay Maanta ahayn mid laga gorgortami karo , isla markaasin aan loo bahnayn  in laga wadahadlo balse Xukuumaddu waajib ay ku tahay in ay ilaaliso jiritaanka iyo Dastuurka Somaliland, waxaanu yidhi “Dalkan aanu deganahay ayaa la yidhaa cidii ka baxaysaa waa in ay iskaga guurto dalkan , Somaliland maanta way 25 jirsatay intaa wixii lagu soo dhaqmayayna maanta cid ka hadli kartaa i ma jirto , ciidamada la keenay iyo xildhibaanada la xidhayna waa shaqo dawladeed, qofkasta oo Dastoorka jabiyana waa la xidhi. mana jirto qof kaligii ka turjumi kara bulsha weynta Goboladan Awdal, Salal iyo Gabilay markaa waxan leeyahay aynu kala garano waxa la wada leeyahay iyo waxa la kala leeyahay , Suldaanka waxan u sheegayaa in quaashani ay ka socdaan shandegmo oo kala ah Gabilay, Baki Lughay, Saylac iyo Borama kulamana qabaan fikirkaaga kamana turjumi kartid."

Chief Caaqil Xasan  Caynaan (Xasan Fanaan) oo ka mid ahaa cuqaasha Beesha Maxamed Case oo isna kulankaas ka hadlay ayaa yidhi  " Hooyo ilmo nuujinmayso , jaamacado la dhigan maayo anagaa waao arag aha oo dagaalka Isaaqa Ladagaalamaynay oo dhulkan ilaahay nawada dhigay nabad ayaanu qaadanay oo aanu ku horu marnay  madoonayno in lanaga qaso horu markaasi ."

Garaad Muuse Ceelaabe oo ah ka mid ah Cuqaaha Beesha  Lughaya, ayaa yidhi ”Suldaanku waxa uu ahaaa ninkii 17 sanno ay beeshiisu xilka madaxtinimo  u haysay  Somaliland  ee Madaxwaynaha u noqday ee Madaxwayne ku xigeenka u noqday , hadab sidii laguu xushmaynayay  u xushmee wax Suldaaan waa kugu ceeb in aad geed galool ah maanta hoos fadhiisato suldaan soo hoyo oo ka soo qayb gal shirka beelaha gadabuursi ma tihid nin siyaasiya oo xukuumada ka cadhooday dhaqan ayaad tahay cidna kal ma aad tashan arintan .".

 Dhinaca kalena waxa uu Garaadku baaq u soo jeediyay xukuumada waxaaanu ku taageeray in ay xaq tahay in ay amaanka ilaaliso, oo ay na cidna uga habran.

Mar uu ka hadlayay Garaadku taageero Beesha Khaatumo ay u direen Suldaan Waber waxa uu yidhi " Waxan leeyahay reer khaatumo nin naga saaqiday ayaad taageerteene waxaan idin leenahay ma waxa aad nala rabtaan in aanu idinla saaqidno waanu ognahay in caruurtiinu ay halkan jaamacadahayaga dhigtaan oo dhulkiinu aanu iskuulo lahayn markaa walaalayaal hanala hadhina."

Caaqil Xuseen Aare Guuleed ayaa isaguna gaashanka ku dhuftay goosashada uu ku dhawaaqay Suldaanka mucaaradka ahi waxaanu tilmaamay in hadii ay tabasho jirto xukuumada looga fadhiyo balse aanay su aali ka taagnayn in reer Awdal ay Somaliland yihiin waxaaanu ugu baaqay suldaanka in uu ku soo laabto golaha dhaqanka

Caaqil Canbe Faarax Cali oo ka mid ah Cuqaasha degmada Gabilay oo ugu dan bayntii halkaasi ka hadlay ayaa isaguna tilmaamay in Somaliland nimadu ay tahay mid distooriya oo aanay ahayn mid shakhsi dhawaaqay aanu ka talin karin islamarkaasina Awdal iyo Salal na masiirkooda ay iska leeyihiin dadka dhulkan degan , sidaasi darteedna in loo arko in umadani kula socoto Suldaankaasi”.