Wiilka Madaxweynihii Labaad Ee Soomaaliya Oo Mar Labaad Noqday Raysalwasaaraha Dowladda Muqdisho

0
790

Picture1Hargeysa (Geeska)- Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xalay fiidikii si rasmiya u magacaabay  Ra’isal Wasaaraha Somaliya  Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo Dawladdii Sheekh Shariif ka soo noqday Ra’isal Wasaare, waxaana uu bedelay  Ra’isal Wasaarihii hore ee Cabdiwali Sheekh Axmed oo dhawaan Baarlamaanka Somaliya ay kalsoonida kala noqdeen, kadib markii uu khilaaf xooggan oo muddo socday uu kala irdheeyey isaga iyo Madaxweynaha Somaliya, khilaafkaas oo ku soo gabagabooday mooshin raysalwasaaraha ka dhan ahaa oo baarlamanka la soo hordhigay si xilka looga xayuubiyo.

Madaxweynaha Somalia ayaa Munaasibada Magacaabista oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada ka sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo Ra’isal wasaarahan cusub, waxaanu yidhi "Waxaan Maanta (Shalay) aad ugu faraxsanahay inaan u magacaabo danjire Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ra'iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Danjire Cumar waa qof si fiican loo yaqaan, lagana qaddariyo dhammaan Soomaaliya, wuxuu leeyahay aqoon iyo waayo-aragnimo shaqo, horayna wuxuu u soo noqday ra'iisul wasaare”.

Cumar Cabdirashiid oo dhashay sannadkii 1960kii aabihii marxuum Cabdirashiid Cali Sharmaarke waxa uu ahaa madaxweynihii labaad ee jamhuuriyaddii hore ee Soomaaliya, ka hor intii aan askari ilaaladiisa ka mid ahi sannadkii 1969kii ku khaarajin magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool oo uu markaas booqasho ku joogay, taas oo gogol xaadh u noqotay afgembigii ay ciidamadii uu Siyaad Barre hor kacayey ku qabsadeen talada.

Cumar Cabdirashiid waxa uu hore raysalwasaare uga noqday dowladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee Sheekh Shariif laakiin waxa uu xilkaas iska casilay markii khilaaf xooggan oo soo dhex galay isaga iyo Sheekh Shariif lagu xalliyey in uu is casilo. Lama oga sida ay isula jaan qaadi doonaan Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu tilmaamo nin afkaartiisa aad ugu dhega iyo Md. Cumar Cabdirashiid oo ay hore madaxweyne isu soo qabsadeen, waxase ay dad badani filayaan in uu noqdo raysalwasaaraha ugu dambeeya ee xukuumadda Xasan Sheekh oo ay u hadhay muddo aan ka badnayn laba sano.