Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan

0
880

Hargeysa (Geeska)-Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo.

– Ma jiro qof jecel in uu la noolaado ama la macaamilo dadka kibirka iyo qabku ku jiro, xitaa qofka isagu kibirka badan ayaan jeclayn. “Mar walba isu dhul-dhig dadka guud ahaan, gaar ahaanna kuwa kaa mansab, Maal ama aqoon liita.

– Iska ilaali in aad mar walba ka sheekayso wax qabadkaaga, guulahaaga, horumarkaaga iyo shaqooyinkaaga fiican, sug inta dadku ay ogaanayaan ee ay iyagu kugu sheegayaan.

– Ha dalban hana u hawl galin in lagu tixgaliyo, waxa aad arki iyada oo lagu tixgalinaayo.

– Kibirka oo aad iska ilaaliso iyo dadka oo aanad iska waynayn maaha daciifnimo (Liidnimo) ee waa hubka ugu fiican ee uu guul ku gaadhi karo qofku. Waxa aanay keenta in aanad yeelan cadow.

– Ka fogoow shakiga iyo waxa qod-qodka.indhahaaga iyo dhegahaagaba fur laakiin iska ilaali in ay noqdaan kuwo ka shaqeeya danaha iyo arimaha u gaarka ah dadka kale. Ogow in ay jiraan dad jecel in arimaha iyo duruufaha noloshoodu ay sir u ahaadaan, sidaa awgeed u tixgeli kuna dadaal in aad hesho kalsoonida saaxiibbadaa iyo ehelkaagaba.

– Ha farogelin hana baadhin alaabta, waraaqaha iyo guud ahaan mulkiyadda cid u gaar ah.

– Ha basaasin dadka, markastana naftaada u sheeg in arimaha iyo danaha cid kale aanay adiga ku khusayn.

– Nolosheena maalinlaha ah waxa aynu aragnaa ama maqalnaa dhacdooyin badan oo qaarkood aanay u jirin ama run u ahayn sida aad u aragto ama maqasho. Mar kasta ha rumaysan indhahaaga iyo dhegahaaga ee hubso.

– Ha dannaynin hana fara gelin wax kasta ama shay kasta oo ku soo mara. Ha isku dayin in aad dhegaysato ama ogaato sheekooyinka xun xun iyo ceebaha dadka kale.

– Ha isku dayin in aad ogaato ceebaha dadka kale. Haddii ay dhacdo in aad aragto ama maqasho arin ama war aan fiicnayn oo qof kale ku saabsan, ha faahin hana fadeexadaynin.

– Ha isku dayin in aad ogaato wax kasta oo dhaca, hana isku dayin inaad dhegaysato sheekooyinka uskaga ah.

– Xishoodka ha ka tegin, waxa wax laga yakhyakhsoodo ah in la arko qof weyn oo gidaar ama meel yara madoow ku xaajo gudanaya.

– Ha is barin isticmaalka ereyada gefka iyo af-lagaadada ah.

– Indhahaaga ka dhowr in ay ku dhacaan cawrada dadka, xitaa sawirrada iyo filimada.

– Ha furan badhamada shaadhka aad xidhan tahay, xitaa adiga oo garan asturan xidhan.