Cuntooyinka Yaabka Leh Ee Ay Jeclaayeen Keli-Taliyeyaashii Dunida Ugu Caansanaa Qarniga 20aad

0
715

Hargeysa (Geeska)- Waa qormadii 3aad ee uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya oo soo qaadatay qaybo ka mid ah buuggga Dictators' Dinners: A Bad Taste Guide to Entertaining Tyrants oo soo bandhigay cuntooyinka yaabka iyo mararka qaarkood wiswiska leh ee ay aad u jeclaayeen qaar ka mid ah Keli-taliyeyaasha qarnigii 20naad dunida soo maray.

Imelda Marcos: Waa marwadii keli taliyihii hore ee dalka Filibiin Ferdinand Marcos oo dalkaas ka talinayey 21 sano oo u dhexeeyey 1965kii illaa 1986kii laguna tilmaamo keli taliyeyaashii ugu qallafsanaa ee dunida soo maray qarnigii 20aad. Imelda oo lagu tilmaamo gabadh gaajo badan u qabtay xukunka ayaa talada odaygeeda fara maroorsatay markii uu taag darreeyey. Imelda waxa ay taariikhda ku caan baxday, Marwadii Kunka beer ee kabaha ah, kadib markii la ogaaday in ay gurigeeda ku urursatay kabo tiradaas leh oo ay hadba qaar ku labbisato.

Imelda oo imika 85 jir ah, laguna eedeeyo in muddadii uu odaygeedu xilka hayey ay gaashay musuq-maasuq fara badan, ayaa uu buuggani sheegayaa qiso xiiso badan oo dhacday xilligii ay ahayd marwada koowaad ee dalka Filibiin, qisadan oo muujinaysa heerka ay ka joogtay awoodda dalka iyo sida ay ugu takri fali jirtay. Mid ka mid ah munaasabadihii caanka ahaa ee intii odaygeedu talada hayey loogu dabbaal degi jiray maalinta dhalashadiisa, ayaa ay soo saartay amar qasab ah oo ay fuliyeen dhammaan masuuliyiintii sare ee ka tirsanaa golaha milateriga ee dalka Filibiin. Amarkaasi waxa uu ahaa in dhammaantood ay xafladda dabbaal degga dhalashada odaygeeda yimaaddaan iyaga oo ku labbisan dhar dumar, taas oo ay masuuliyiintani sidii ay u fartay u fuliyeen.

Imelda dadka ka ag dhowaa waxa ay xaqiijiyeen in aanay cuni jirin cuntada dalka gudihiisa ka baxda ama laga helo, waxa ay lahayd diyaarado gaar ah oo dhammaan cuntada ay cunayso nooc kasta oo ay tahay uga soo waarida qaaradda Yurub.

Fidel Castro: Waxa uu dhashay sannadkii 1927kii waxa aanu dalka Cuba ka talinayey intii u dhaxaysay 1979kii illaa 2008dii oo inta uu xilka iskii uga degey uu ku wareejiyey walaalkii Raul Catro oo illaa hadda gacanta ku haya. Castro oo lagu tilmaamo keli taliye laakiin aragti dheer lahaa, fikirka reer galbeedkana aad uga soo horjeeday ayaa la sheegay in uu caan ku ahaa cunista hilibka diinka iyo weliba lafaha diinka oo inta loo tumo uu cunto ka dhigan jiray. Castro oo imika 88 sano jir ah ayaa sidoo kale aad u cabbi jiray maraq laga saaray hilibka diinka.

Jean-Bedel Bokassa: Jean-Bedel Bokassa oo sidoo kale loo yaqaannay Salaaxa-ddiin Axmed Bokassa aadna caan ugu ahaa boqor Bukaase waxa uu ahaa boqor gacan bir ah ku hayey dalka Afrikada dhexe intii u dhaxaysay sannadkii 1966kii oo uu xoog ku qabsaday xukunka illaa 1976kii oo xoog lagaga tuuray boqornimadii uu isu caleemo saaray. Boqor Bukase markii xilka laga tuuray waxaa la soo taagay maxkamad ku qaadday dembiyo badan oo loo tirinayey in uu galay 13kii sano ee uu xukunka haystay. Arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in dacwadaha lagu soo oogay ay ka mid ahaayeen in uu cunay hilib dad. Dhammaad