Salaadiinta Gobalka Awdal Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Xiisadda Taagan Kuna Taliyay In Xaaladda La Dejiyo

0
629

Picture7Hargeysa(Geeska)-Salaadiinta gobalka Awdal oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaalada Borama, ayaa waxay ka hadleen xaaladda gobalka Awdal ka taagan, waxaanay sheegeen inay iyagu xaaladda gacanta ku hayaan oo ay dejinayaan.

Ugu horayn Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay, waxa uu yidhi “Arrinka Suldaan Abubakar Wabar ku saabsan anaga ayaa gacanta ku hayna hawshaasi si Nabadgeliyo ah ayaanu ku dhamaynaynaa, Waxaanu u sheegaynaa dhamaan Shacabka gaar ahaan Dhalinyaradda Magaaladda Boorama ku dhaqan in aynu ilaashano Nabadgelyadda.”

Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay Ciidamadadda ay dib uga soo celiso Boorama, waxaau yidhi “Suldaan Wabar Xabad ma ridin ay Ciiddamo ku soo dulaan, Xabadna ma ridi karo mana ridin, wuu hadlay Nin af ka hadlayna wuxuun-baa la odhan. Xukuumaddu duulaankan ay soo qaaday ha la noqoto, Ciiddamada-na Xeryahoogii ha ku celiso namana wadda qabto waar la soo hadla iyo Hubka Magaaladda ay Ciidamaddu la dhex-wareegayaan nama qabato.” Ayuu yidhi Suldaan Saleebaan.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal ayaa isna Dhalinyaradda ku dhaqan Magaaladda Boorama ugu baaqay inay ilaaliyaan Nabadgelyadda, waxaanu yidhi “Waxaanu ugu baaqaynaa Shacabka in Nabad-gelyadda si cad loo xaqdhawro lana ilaaliyo, waxaanu u sheegaynaa Ummadda Dal iyo Dibad-ba ha joogaane cidii taladda gacanta ku haysaa waa Odayaasha waana in looga dambeeyo, in waxaanay ogayn la gelin baan ku dardaaraynaa. Suuqa Boorama ee la yaac-yaacayaa in dhib ay leedahay mooye in aanay faa’ido lahayn-baan idin sheegayaa. Waxaanu ku boorinaynaa Ciidamadda kuwa Magaaladda jooga maahe kuwa kale ee cusub ee yimid Magaaladda inay ka baxaan, Shalay waanu la kulanay Wasiiradda intii joogtay waxaanu u sheegnay in Ciidamadda wixii hore maahee kuwan dambe Magaaladda laga saaro, haddana waxaan Warbaahinta u marinaynaa ha laga daayo yaan kacdoon la abuurin, Dadweynaha waxaanu leenahay idinkuma ogin, idinkama aqbalayno Inan yar oo dur-duriya cid aanu ka yeelaynaa ma jirto. Dhalinyaraddii la xidh-xidhay warka na soo gaadhayaa waxa uu leeyahay Mandheera ayay ku xidhan-yihiin, halkan (Boorama) Jeelayashii-baa ku yaala, haddii ay Dembi geleen Maxkamadd ayaa la geyn-karaa arrintaas waanu fahmi-weynay ee hanalooga soo jawaabo. Dadkana wixii Dembi leh iyo wixii aan Dembi lahayn halka ay xaq u leeyihiin ha la saaro, Gobolna Gobol kale Kiiskiisa laguma qaadi-karo.”