“Sicir Bararka Annagu Shaqo Kuma Lihin, Ee Ganacsatada Ayaa Samaysa”

0
772

Picture2

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha baanka Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi, ayaa sheegay in sicir bararka ku yimid maceeshada ay ganacsatadu sababteeda leedahay.

Banaka dhexe ee Somaliland ayaa shalay suuqa soo geliyay lacag dollar ah oo ay doonayaan inay hoos ugu dhigaan sarrifka dollarka ee xadhkaha goostay.

Isagoo ka hadlaya sababta ay lacagta suuqa u soo geliyeen , wuxuu guddoomiye Dirir yidhi  “Ujeedadu waxa weeye Doolarka oo baryahan Kacsanaa ayaanu doonaynaa inaanu soo dejino, markaa ayaanu Doolar badan suuqa soo galinay. Mar haddaan dekedu aad u shaqaynayn oo wax uga soo degayn, kol haddaan xoolo jirin la dhoofinayaa, wakhtigan waa iska dhacdaa in Doolarku kaco dabeedna anagu aanu soo dejino inta uu soo gaadhayo Qiimo macquul ah”

Wuxuu sicirka sare u kacay ee quutal daruuriga ku eedeeyay ganacsatada waxaanu yidhi “Sicir Bararka anagu shaqo kuma lihin ee Ganacsatada ayaa samaysa oo dadka Sixirka ku kicisa laakiin,marka doolarku kaco Sixir barar bay keentaa oo Ganacsatada ayaa kordhiya Sixirka ay alaabta ku iibinayaan.”

Sarrifka dollarka ayaa dhawrkii bilood ee u dambeeyay aan marna hoos u soo degin, waxaanu saamayn ku yeeshay quutal daruuriga oo aad sare ugu kacay.