“Suldaanka Wax Weyn Baa Noo Dhexeeya Annaga”

0
729

Picture1

Hargeysa(Geeska):-Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Md:Axmed Xaaji Cali Caddami, oo ka mid ah xubnaha wasiirada ah ee xukumaddu gobolka Awdal ugu dirtay dejinta xiisada uu Suldaanka falaagoobay ka abuuray gobolkaasi, ayaa ka hadley halka ay mareyso xaalada dajinta arrintaasi, waxaana uu sheegay in xiisadaasi ay hada ku dhow dahay gabo-gabo.Isaga oo sida oo kalena carabka ku dhuftey in aanay wax wada xaajood ah la samayn Suldaanka balse ay u direen dad uga fara-dhuudhuuban oo ka soo jeeda gobolka Awdal.maadaama baa uu yidhi uu joogo meel ka baxsan xuduudka Somaliland.

Md:Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtey magaalada Hargeysa,waxaana uu ugu horeyn sheegey in arrinta xiisada ah ee ka taagan gobalka Awdal ay tahay arrin la buun buuniyey balse ah ku kooban oo qudha shakhsiyo kaliya,waxaana uu ku baaqay in aan arrin la sii naax naaxin oo loo daayo inta ay leeg tahay.

“Cudurka la weynaynayaa maaha mid dadku u dhan yahay ee waa mid shakhsiyaad ku kooban ee maaha cudur fiday, waxaana fiican in dhibaato walba intii la naaxin lahaa ama la buunbuunin lahaa loo daayo inta ay leeg tahay” ayuu yidhi Wasiir Caddami.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Md:Caddami oo sidao o kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu difaacay ciidamada qaranka ee degaamada Suldaanku ku sugnaa la geeyay oo dadka qaar ku baaqay in dib loo soo qaado.“Ciidanka qaranku waa Jundullaahigaa,meeshii alle meeshii hawli ka gashana way tagayaan, meelaha ay tageena illaa maanta meel laga soo cawday oo ama dhaqan xumi ama tacadi kale ay ka sameeyeen ma jirto.baal dahab ah ayey qaranka Somaliland kaga qoran yihiin,meelkasta oo qaranku uga baahdana way tagayaan” Ayuu yidhi Md:Axmed Xaaji Cabdilaahi Caddami.

Md:Caddami, waxaa kale oo uu sheegay in aanay suldaan Waber wax wada hadal ah oo ay la fureen aanay jirin balse ay hada arrinta wadaan dad kale oo uga fara dhuudhuuban isla mar ahaantaana ka soo jeeda gobalka Awdal.waxaana uu rajo fiican ka muujiyey in xiisada halkaasi ka taagan ay dhawaan dhamaan doonto.

“Suldaanka wax weyn baa noo dhexeeya anaga, Suldaan aanu anagu u tageynaana ma jiro, ee waxaanu la shirnay dadweynaha iyo madax-dhaqameedka deegaanka, waxayna muujiyeen wanaag, dedaal-na way wadaan, wayna soo af-jarmaysaa oo laba bari qaadan mayso.Sida aan anigu xog-ogaal u a hayna inta hadhay si dhakhso ah ayey u dhamaanaysaa oo wanaag iyo is-afgarad bay ku dhamaanayaan.dadka degaankaas degaana diyaar uma aha wax khalkhal galiya.nabad galyadoodii, wada shaqayntoodii, tacliintoodii iyo jaamacaddahoodii, caafimaadkoodii oo ay gobolo badana kaga horu mareen. rag maanta dib u noqonaya oo waxyaabihii dad badan wakhtigu kaga lumay maaha oo cuduradaas mar dambe saadsanaya, markaa ninka hadda mandaqadaba aan joogin anaga wada-hadal toos ah wakhtigu nooma saamaxayo laakiin dad nooga faro dhuudhuuban ayaanu u dirnay oo mar iyo lababa way is arkeen arrintan iyo hadalka uu yidhina waa la soo gabo-gabeynayaa oo waa laga dabatageyaa” ayuu yidhi wasiirka gaashaandhiga Somaliland Md:Axmed Xaaji Cali Caddami.