Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan

0
798

Hargeysa (Geeska)-Waa Qoraal Taxane ah uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo qodobbo iyo dhaqamo fure u ah in qofka ku waano qaataa uu ku hanuuno ama ku barto anshaxa dhowrsoon iyo dhaqanka wanaagsan ee uu bulshada ku dhex geli karo sumcaddana kaga heli karo.

– Ku dadaal in mararka qaarkood aad lamaanahaaga (Sayga/Xaaska) siiso hadyad aanu kaa filanayn.

– Isku day in aad lamaanahaaga u muujiso jacayl iyo kalgacal sida adiga oo dhunkanaya, habsiinaya iwm.

– Si kasta oo aad isu khilaaftaan mataankaaga qoyska (Sayga/Xaaska) iyo cadaadis kasta oo dusha idinkaga yimaaddaba ha ku degdegin furniinka.

– Guurku waa xidhiidh karaamo leh oo dhex mara lamaanaha, waana barta ay ka soo bilaabanto bulshadu. Sidaa awgeed furniinka ha u fahmin kaliya laba qof oo kala tegaya, ee u arag runta ah in uu yahay bulsho burburaysa.

– Haddii khilaaf idin dhex maro ku dadaal sidii aad idinku u xallin lahaydeen, haddii ay suurtogeli weydo, u yeedha ergo iyo dad idin dhex gala oo aad hubtaan in wada joogiinna ay dani ugu jirto.

– Haddii ninka iyo xaaskiisu ay kala tagaan, waa in aanu ku adkaysan in isagu uu ubadka koriyo, haddii aanay jirin sabab uu hooyada ugu diidan yahay sida, iyada oo leh balwad dhaqan xumo ah.

– Haddii aad xaaskaaga kala tagtaan idinka oo ubad isu leh xasuusnoow in masuuliyaddii ubadka kaa saarnayd aan lagaa dhaafin. Daryeel kana war hay.

– In kasta oo ay labada qof kala tageen haddana waxa hubaal ah in aanu xidhiidhkoodu go’ayn haddii ubad ka dhaxeeyo, sidaa awgeed cadho iyo in la kala war-wareegaa macno ma leh ee waxa ay dani ku jirtaa in ay ka wada tashadaan mustaqbalka iyo nolosh ubadka.

– Ma qurux badna in ay hooyadu diido korinta ubadkeeda iyada oo rabta in ay ku muujiso cadhada ay u qabto ninkan ay kala tageen.

– Waxa aan sinaba u suurto gal ahayn in ninku uu xaaskiisa ay kala tageen kaga noqdo hadyad iyo waxtar wixii uu siiyay ayaamahoodii wanaagsanaa.