Cuntooyinka Yaabka Leh Ee Ay Jeclaayeen Keli-Taliyeyaashii Dunida Ugu Caansanaa Qarniga 20aad

0
790

Hargeysa (Geeska)- Waa qormadii 3aad ee uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya oo soo qaadatay qaybo ka mid ah buuggga Dictators' Dinners: A Bad Taste Guide to Entertaining Tyrants oo soo bandhigay cuntooyinka wiswiska leh ee ay aad u jeclaayeen qaar ka mid ah Keli-taliyeyaasha qarnigii 20naad dunida soo maray.

Joseph Stalin: Oo noolaa intii u dhaxaysay 1879kii illaa 1953kii, waxa uu ahaa hoggaamiye gacan kulul oo 13 sano hoggaaminayey dalkii awoodda badnaa ee Midowga Soofiyati. Stalin oo xilligaa uu talinayey aad looga baqan jiray, dadka ka ag dhowaa waxa ay sheegaan in uu jeclaa in marka cidi booqato in uu casho ku casuumo. Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in waqtiga casho ee uu Stalin dadka la ballami jiray uu ahaa inta u dhaxaysa 11ka habeennimo illaa 5 subaxnimo, waqtigaas oo uu la kulmi jiray waftiyada muhiimka ah, masuuliyiinta dowladdiisa iyo cid kasta oo uu dan u leeyahay.

Waqtiga dhibta badan oo keliya ma’ay ahayn mushkiladda casuumadda Stalin ka jirtay, balse waxaa dheeraa in cuntada keliya ee uu casuumadda keeni jiray si loola wadaagaa ay ahayd cuntada uu isagu shakhsi ahaan jecel yahay. Waxa aanay cuntadaasi ahayd, digaag lagu dhex kariyey laws iyo xawaashyo kala duwan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Stalin isaga oo cuntadan dad badani dhibsan jireen marti la wadaagaya, ayaa ay xaaladdiisa caafimaad si kedis ah u xumaatay. Waxa ay ahady bishii Maarij 1953juu markii isaga oo marti la cashaynaya si kedis ah loo qabtay, markiiba cisbitaalka ayaa loola cararay, laakiin afar maalmood markii uu yaallay ayaa uu geeriyooday isaga oo 75 jir ahaa, kadib markii uu dhiig maskaxda kaga furmay. 

Mucammar Al-Qaddaafi: Hoggaamiyihii la dilay sannadkii 2011ka ee dalka Liibiya Mucammar Al-Qaddaafi ayaa la sheegay in uu si aad ah u jeclaa noocyo ka mid ah khubus iyo cajiinno kala duwan oo lagu sameeyo dalka Talyaaniga, sidoo kale waxa uu si aad ah u jeclaa hilibka xoolaha, oo uu ugu sii daran yahay hilibka geela.

Saddaam Xuseen: Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen oo ahaa hoggaamiye aad loogu murmo wanaag iyo xumaan midka lagu tirinayo, dad badani u yaqaannaan halyeey carbeed kuwo kalana ku tilmaamaan keli taliyihii ugu xumaa ee Carab soo maray ayaa isna la sheegay in uu aad u jeclaa cunista hilibka lo’da iyo hilibka idaha aan aadka u shilisayn. Sidoo kale waxa uu jeclaa nooc saytuunka kam id ah oo ka baxa buuraha Golan Heights ee ay Yuhuuddu ka haysato dhulka Suuriya.

Iidi Amiin (Ciidi Ammiin): Waa madaxweynihii saddexaad ee soo mara dalka Uganda, waxa aanu talada hayey intii u dhexeysay 1971kii illaa 1979kii. Idi Ammiin sannadkii 1979kii ayaa xukunka xoog lagaga tuuray, waxa aanu baxsi u tegey dalka Sucuudiga oo uu ku noolaa illaa dhimashadiisii oo ahayd badhtamihii sannadkii 2003da. Iidi Ammiin oo ifka 28 carruur ah kaga tegey ayaa uu buuggani sheegay in uu caado u lahaa in uu cuno 40 xabbo oo liin macaan ah maalin kasta.

Iidi Ammiin waxa uu caado u lahaa oo uu joogto u cuni jiray ugxaanta shinnidu inta aanay dillaacin iyo ayax la shiilay. Cuntadan ayaa uu ku sooryeyn jiray masuuliyiinta sare iyo marti sharafta u timaadda ee uu doonayo in uu wis-wis iyo diiqad ku abuuro. Dad badan oo ka ag dhowaa Iidi Amiin intii uu hayey talada dalka Uganda ayaa aaminsan in uu isku dayey cunista hilibka dadka. Dadka arrintaas aadka uga sheekeeyaana waxa ay xujo u soo qaataan hadal laga soo xigtay Iidi Amiin oo uu ku sheegayey in ay Milixdu ku badan tahay, oo sidaas awgeed aanu jeclayn, taas oo macnaheedu yahay in uu dhadhamiyey.