Akhriste, Ma Ogtahay?!

0
1308

– In shabakadda Internet-ka ee dunida sida wayn looga isticmaalo la aasaasay sannadkii 1989kii.

– Ma Ogtahay in daawashada filimada dagaalka iyo qaska ahi ay wax ka beddesho, dabeecadaha iyo dhaqanka carruurta, gaar ahaa innamad.

– Daraasad lagu sameeyey faa’idooyinka liin macaanta ayaa lagu ogaaday in; Muudkeedu uu dadka ka caawiyo dhimista subagga (Kalastaroolka) dhiiga. Waxa ay daraasadani muujisay in haddii qofku uu maalintii cabbo Saddex koob oo liin macaan ah, ay qiyaas ah 21% dhimayso subagga dhiigga, halka ay 16% ka kordhinayso subagga (dufanka) loo baahan yahay. Taas macnaheedu ma’ aha in Liintu ay wax u tarayso qofka uu ku dhacay xanuunka dufanka dhiigu oo isagu u baahan in uu si toos ah dhakhtar ula tashado. (Kalastarool).

– Ma Ogtahay in ilayska dayaxu uu leeyahay awood Magnad ah (Cuf-is-jiidad) oo marka ay badda ku dhacdo keenta in ay caariddo. Mase ogtahay in arintani ay dadkana saamayso, oo haddii dayaxu uu ku beegan yahay qofka dushiisa oo qumman, miisaanka qofku waa uu ka fududaanayaa sidiisii hore, sababtuna waa cuf-is-jiidadka.

– Ma Ogtahay in qalab badan oo hadda aan dunidu ka maarmi karin, markii ay bilaabmayeen ama xitaa muddo aan badnayn ka hor ay jireen dad badan oo aqoonyahan ah oo aaminsanaa aanay faa’iido lahayn. Tusaale ahaan Raadyowga oo hadda inta (Rikoodh) dunida dusheeda taalla lagu qiyaaso tiradoodu in ay ka badan Bilyan xabbo oo ay sii dheer tahay talefannada casriga ah iyo kombiyuutarrada oo leh adeeg Raadyow, in sannadkii 1894 kii Lord Calvin oo ahaa madaxa Jimciyaddii Boqortooyada Ingiriika u qaabilsanaa cilmiga uu go’aamiyay in Raadyowgu aanu lahayn wax mustaqbal ah, isaga oo sidoo kalana diiday fikradda samaynta dayuuradaha, waxa aanu ku dooday in cilmi ahaan aanay suurtogal ahayn in shay hawada ka culusi uu duulo.