Faysal Cali Waraabe Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Iska Nasto Haddii Ay Doorashadu Dhici Weydo, Dhaliilana U Jeediyay Cabdiraxmaan Cirro

0
668

Picture9

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa weerar afka ah ku qaaday guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), sidoo kalena wuxuu dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo oo uu ugu baaqay inuu iska nasto oo uu is casilo haddii ay doorashadu dib u dhacdo.

Md. Faysal, oo uu waraysi la yeeshay weriye Faysal Fadh-fadhle oo ka tirsan Telefishanka Universal, wuxuu guddoomiye Cirro ku eedeeyay inuu beeshiisa abaabulay markii ay xukuumadu damacday inay kursigiisa shirguddoonka dhaqdhaqaajiso.

Ugu horayn Faysal, wuxuu sheegay inuu dalku gurmad u baahanyahay, waxaanu isagoo ka hadlaya xaaladda doorashooyinka iyo sida uu muddo kordhin uga soo horjeedo uu yidhi  “Dalkani badbaado ayuu u baahanyahay, oo Doorashada in aan la kordhin wax la isku raaco mooye, in marka ay Muddadu dhammaato in dawladdii wadi lahayd ee gaadhsiin lahayd Doorashada in laga tashado, Kulmiye way u dhammaatay oo halkii uu Siillaayno ka taagnaa 2009-dii ayaan ka taaganahay, oo Mudaharaadka uu ka dhigay ayaan ka taaganahay, oo Dawlad midnimo Qaran ah ha sameeyo, oo Madaxweynuhu iska nasto, Nelson Mandela ha noqdo, hana iska nasto, afartaas qodob haddii aanu Siilaanyo yeelina dalku khatar ayuu ku jiraa”.  Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya siyaasiyiin ku biiraya xisbiga Waddani oo la weydiiyay wuxuu yidhi “Waxa anaga noo muuqata in aan Waddani lagu gurmaynin, shaqsi wuu tagi karaa, laakiin marka aad eegto maalintii dhawayd ee Mudaharaadka ee Ciidanka la galiyey, waxa laga mudahaaraday laba Gobol, Burco Galbeedkeeda iyo Ceerigaabo, markii ay Daahir Rayaale iyo Cabdiraxmaan Cirro is qabsadeen ee uu xidhay Golaha Wakiilada waxa u hiiliyey UCID iyo Kulmiye, intuu Siddeedii bisha xidhay uu yidhi waxa ay furan tahay bisha shan iyo tobankeeda, Todobadaas cisho soo may ahayn inuu nala  tashado, oo basar xumada aanu sheegno, reerkoodii ayuu u tagay,oo uu ku yidhi Sabtida ayaa Mooshin xilalka la igaga qaadayo la I saaraya ee soo kaca, markaas miyuu ila tashaday, haddii uu tolkii soo kicyey, markaas haddii uu garan daran yahay, tolkiina uu soo kiciyo, isaga ayaan garta saari lahaa, oo aan odhan lahaa tolkaa ayaad kicisay, markaas waxa aan jeclaa lahaa in aan ka odayeeyo, waanan ka odayeeyey, waxaan ka odayeeyey in Komishanka la sii daayo, in Xeerka la sii daayo iyo in Barlamaankana waxa u dhexeeya dhexdooda ku dhamaystaan, intiina wey noqotay”.

Faysal Cali Waraabe mar laga weydiiyey iskaashiga ka dhexeeya labada Xisbi Mucaarad wuxuu ku jawaabay  “Iskaashi yeelan mayno, wixii danaysiya iskaashi ka yeelan mayno, balse wixii noo gaar ah ayaanu iskaashi ka yeelanaynaa, kala jaad ayaanu nahay, Siyaasaduna waa sidaas, oo Kulmiyeba wax ayaanu iskaga mid ka ahayn, waxna kala jaad ayaanu ka ahayn, markaas shaqsi ahaan iyo  UCID danta dalka ayaanu wadnaa, wax badana way igu seegeen, Maalintaas haddii aan anigu hadli lahaa Waddani wey ku foorarsan lahayd, waana laga gar joogay, may ahayn inuu Cabdiraxmaan Olole qaado, oo uu Lacag diro,  uu yidhaahdo soo kaca, oo uu Berbera Lacag u diro, Burco Lacag u diro, oo uu yidhaahdo Mudaharaad dhiga, waxa ay ahayd inuu nala tashado”.

Faysal Cali Waraabe oo su’aal laga weydiiyey waxa ka jira wararka sheegaya inay xukuumadu guri u dhisayso wuxuu yidhi  “Cabdiraxmaan soo guri looma dhisin, Xirsi soo looma wado, Baashe soo looma wado, Muuse Biixi soo kuma jiro,  la iima wado ee waa dacaayado Waddani fidinayo, ee haddaan idhaahdo ma ceeba, ee dhulkaygii madaarka haddii dhulka aad igu badasheen uu ciidan qaatay, meel i dhiga oo Shacabka guri siinaysaan guri iga  siiya, ayaan  qorey, markaas Faysal hadduu lacag qaato hore ayaan u qaadan lahaa, raggii lacagta qaatay waa taas ka muuqata, may iga muuqato.”

Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi  “In badan ayaan lahaa Shir aan iskugu nimaadno, oo aynu tashano, oo Madasha ayaanu ku sameeynay , laakiin waxa  la  lahaa Shir Beleed ayuu raba, oo Saleebaan ayaa lahaa, anagii oo Mucaarad ah ayaa leh aynu tashano, oo naloo joojin waayey, maxaad Beelihii kala ee hareerahana u maleeynaysa, Madaxaweynuhu waa inuu dadka dhagaysta, waa inuu dadka mideeya, rayiga gooni isutaagana waxa keenaya Beelaha dhexe, ”.