Jamaal Cali Xuseen Oo Hargeysa Ku Soo Noqday Iyo Eeddo Uu Xukuumadda U Jeediyay

0
438

Picture5

Hargaysa(Geeska)-Musharaxa Madaxweynaha Somaliland ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo muddo dalka dibadisa ku maqnaa, gaar ahaana ku maqnaa dalalka Maraykana iyo Ingiriska, oo Shalay dalka dib ugu soo laabtay, ayaa  Taageerayaal aad u badan oo wata Calamo, Dhar iyo Astaamo ay ku xardhan tahay Astaanta Xisbiga UCID, oo ku soo dhaweeyey Madaarka Caasimadda, oo u soo galbinaayey Xaurnta Xisbigooda, ayaa marka ay maraayaan Jamaal Cali Xuseen iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID Xarunta Madaxtooyada ayaa Ciidamada Ammaanku joojiyeen isla markaana ka hor istaageen inay maraan Waddada Madaxtooyada hor martaa  ee qabata Xarunta Xisbiga UCID,  waxaana ay ciidanku Sheegeen inay qabaan Amar ka sareeya.

Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inaanu Madaxwayne Siillaanyo si fiican u seexanayn haddii Shacabka la dhibo, waxaanu yidhi  “Laga bilaabo Maanta maaha wax loo dulqaadan karaayo waxa dalka ka socdaa. waar ma wax loo dulqaataaba in naloo diido Dariiqii Madaxtooyada hormarayay ee aanu maraynay, haddii anagoo Madaxda Xisbiga ah sidaa nalagu samaynayo Idinka(Shacabka) maxaa la idinku samaynayaa, ma wax loo dulqaataaba in toban qof oo ka mid ah dadkii I soo dhaweynayay Maanta la xidho oo ay Xabsiga ku jiraan. Siilaanyo-na si fiican u seexan maayo dadkayagana la dhibaatayn maayo”

Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Ciidamada Qaranka waxaan u sheegayaa waar Amarkan la idin siinayaa waa wixii dadku ka dagaalamay, waxaan idin leeyahay ha qaadanina Amarka aan saxda ahayn.  Wixii halkaas ka dhacay ee ay noo sheegeen(Boolisku) ee ay yidhaahdeen amar baanu haysanaa inaydaan wadadaas marin taas baa inoogu filan xaalka taagan. Waxaynu tusaynaa Kulmiye Mucaaradadoodii mid ku laban laab ah.Markaynu Mudaharaadayno waa inoo Madaxtooyada horteeda”

Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa isna tilmaamay inaanay falalka Xukumaddu ahayn kuwo loo dulqaadan karo. Waxaanu yidhi   “Anagoo u sheegnay in Musharaxa UCID imanayo oo Taageerayaashiisu soo dhaweynayaan baa haddana RRU dariiqa naloo dhigay, ma wax la qaadan karayaa baa,inay Xildhibaanadii Xasaanada lahaa oo aan Maxkamadi xidhan iska xidhnaadaan ma waxaynu qaadanaabaa.inta aan Maxkamad marine e Jeelasha ku xidhan ma xaq iyo wax la qaadan karaaba.

Cabdirashiid Xasan Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Maalin hore ayaa Xildhibaanadii UCID ee Berbera Gacan loola tagay oo la garaacay mana jirto cid raali galin ka bixisay, waar dalkii wuu sii socdaa, wuxuu ku sii socdaa in Xukumaddii aynu dooranay maalin walba ku talaabsato wax amniga khalkhal galinaya.markii ay Bari soo gubeen ee aad ogtihiin waxay Burco ka samaynayaan, ee ay Berbera ka samaynayaan ee aad ogtihiin inay saqda dhexe Habeenkii dadka la baxayaan ee aad Ogtihiin Hargeysa gudaheeda Mush-kiladdaha ka dhacaya.

Galbeed oo ahayd meesha kaliya ee inoo fayow tabashadii ay tabteen ee Suldaanku ka cadhooday ee uu yidhi waa inaynu baxno ee Shacabkiisii yidhi bixi mayno ee dalka waynu dhisaynaa ayaa waxa la wadaa in Ciidankii qaranka inta laga horgeeyo shacabka lagu kiciyo. Waxaad u diyaar garoobaysaan maanta laga bilaabo haddaanu ahayn Mucaarad qabow waxaanu noqonaynaa Mucaaradk Kulul, waxaanu ku baaqi doonaa Banaan baxyo aanu ku xaqiijinayno Amniga,Dimuqraadiyada iyo rabitaankeena”.

Xoghayaha Warfaafinta Yuusuf Kayse oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay ayaan daro tahay wax loo dulqaadanaya aanay ahayn in Taageerayaashooda bartilmaameed laga dhigto, loona adeegsado Askar, isla markaana la xidh-xidho, waxaanu ku baaqay in si bilaa shuruud ah loo soo daayo.

Dhinaca kale waxa xusid mudan in Ciidanka Ammaanka ee Somaliland inay Waddada Madaxtooyada ay xidheen ilaa Xarunta Xisbiga UCID-na ay joogeen.